Published:

Ku tagri falka awoodda dhaqaale ee Ururka Solja oo gashay Casab iyo Xulufo kuna Ururtay Jeebada Gudoomiyaha

Hargeysa()-Hoggaanka sarre ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, oo muddooyinkii uu danbeysay ay fiintu kala dhex miraneysay, kaddib markii Gudoomiyaha Ururka Solja Maxamuud Cabdi Jaamac uu inqilaabay shaqadii Gudoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Solja, Khilaafkan oo salka ku hayaa  Musuq-maasuq uu Gudoomiyaha Ururka Solja ku sameeyey Mashaaric loogu talo-galay in lagu horumariyo Saxaafadda iyo Suxufiyiinta kuwaasoo dhaqalahoodii uu jeebada ku shubtay Gudoomiyaha Ururka, Sidoo kale-na waxa uu ku tagri isticmaalkaooda isagoo shaqsiyaad gaar ah uu amaahiyey kuw kale-na kula shuraakoobay goobo Ganacsi.

Inqilaabka uu Gudoomiyaha Ururka Solja ku sammeeyey labadii Xubnood ee awood ahaan kusoo xiga ayaa tiro-ba dhawr jeer ay dhex-dhexaadin ka galeen Xubnaha guddida fulintu, iyadoo sii foolka fool ah la iskugu Gar dhigtay, aakhirkiina Gudoomiyaha lagaga gar helay gacan dhaafka shaqo iyo dhaqaale ee uu ku sameeyey Saaxibadiisa ay isku hawsha hayeen. Hase-yeeshe Gudoomiye Xuuto awaamiirtaas dheg uma jalaqsiin, waxanu sii watay hawshii Ururka oo uu isku koobay, isagoo qabtay siminaaro uu keligii iyo xubno kaloo aan Ururka ahayn hawshiisa qabteen, iyadoonay dhamaan Tababaradaas kasoo xaadirin labada Xubnood ee Gudoomiye ku-xigeenka iyo Xoghayaha guud ee Solja.

Xubno ka mid ah, guddida fulinta Ururka Solja oo ka Cudurdaartay in magacooda la shaaciyo ayaa Shabakadda Xogreebnews uu sheegay inuu hadda meel halisa maraayo xiisada Xubnahani, sidoo kale-na Gudoomiyaha Ururka Solja ku eedeyey inuu maroorsaday hawlihii shaqo iyo dhaqaaleba ee Ururku kala lahaa. Waa kuwan iyagoo arrimahan ka hadlaya

“Xuuto Lacagtii Ururka Accoun gaar ah ayuu uu sameysay, isagoo geliyey goobo ganacsi, waxaba ka sii daran, in Gudoomiyaha Ururku la wareegay shaqadii Xoghayaha iyo Gudoomiye ku xigeenka, Meel walba iyo shaqo kastoo la qabanaayo waxa isku koobay xuuto… cidna waxba uma ogola waxanu leeyahay kooxo aan Ururka ka mid ahayn oo uu ku shaqeysto, waxaba wax walba ka sii daran oo uu shaqo ka dhigtay inuu Lacagtii Hay’adduhuu ugu talo galeen in kor loogu qaado, tababaridda Suxufiga iyo Saxaafadda uu si sharci darro ah, ugu tagri falay waxanu amaahiya cidda cilaaqadku ka dhexeeyo, waxanad arkaysaa shaqsiyaad odhanaaya Xuutooy Baabuur nooga keen Macdaarka Hebel iyo Gudoomihii oo aan cidna kala tashan, oo u keenaya iyadoon dhaqaalahaas cidi loogu talo galay ka baahan-tahay”.

Sidoo kale, Xubintan ka tirsan guddida fuintu, waxay sheegtay in Gudoomiye Xuuto, Xoghayaha iyo ku xigeenkaba la dhex-dhexaadiyey dhawr jeer, hase-yeeshe aanu Gudoomiyihuu dhag u jalaqsin. “dhawr jeer ayaa la dhex-dhexaadiyey hoggaanka Ururka Solja waxana dhacday in sii foolka fool ah la iskusoo hor-fadhiisiyey dhinacyada, runtiina waa laga gar helay Xuuto, waxa’se nasiib darro ah in aanu waxba ka bedelin arrinkii… waxanu wadnaa dhaq-dhaqaaq guddida fulintu, kaga fadhiisaneyso Gudoomiyaha is mahadiyey”.

Si kastaba ha-ahaatee Gudoomiye Xuuto ayaa Musuq-maasuq baahsan ka sameeyey dhaqaalaha iyo lacagaha Hay’aduhuu ugu deeqan in saxaafadda kor loogu qaado. Waxa kaloo uu Xuuto hadda dhaqaale doonimaduu la gaadhay inuu Wasiiradda iyo shirkadaha qandaraas kaga qaato dhaqaalaha ay warbaahinta ugu talo galeen, isagoo cid gaar ah oo uu usoo xushay siffo qabiil siiyo, weliba isagoo sii kala shaxaaday wixii yaraa ee loogu talo galay. Araagtiyaha imika Suxufiyiintu ka bixiyaan Gudoomiye Xuuto ayaa lagu sheega Nin aan lahayn dano Suxufinimo, hase-yeeshe leh dano dhaqaale oo keliya sidii uu uga heli lahaa.

News Related