Published:

Khudbad1.

Midnimo iyo Horumar 

Somaliland waa Qaran soo jiray Maantana jira Inshaa Allaahu siina jiridoona balse waxa wiiqaysa ama majaro habaabinaysa kala qayb sanaanteena iyo kala socoshadeena dib u xasuusta Taariikhda wixii Afwaynta inoo riday ee Xamar ina geeyay muu ahayn Dad xumo muu ahayn xoog shisheeye muu ahayn Cadaab xaga Alle inagaga soo degay kaliya waxa sobabay hal shay kaasoo ahaa Kala qaybsanaan iyo is fahan la aan Dib u xasuusta Taariikhda markale Xoriyadaa inaga baxday kumaynaan keenin kala qaybsanaan balse wixii aan ku hananay wuxuu ahaa midnimo Reer S.land oo isku dhan ayaa Halgan u galay ugu Dambayna iyagoo isku dhan ayay soo qaateen Saxex ay Xoriyadi ku qoran tahay waxan ku wacad furnay allihii inaga kiciyay Gaal waxan ku shukri niqi waynay Nimcadii Alla ina siiyay markaasay intiina ina dhaaftay.

Reer S.land maalintay adagtahay waa tashan yaqaanaan balse marka ilaahay uga hiiliyo Mushkiladaha jira ayay Miyir beelaan kalana Maan noqdaan markaasay ku hoobtaan Boholaha sharka Qaadaana Jid qaloocan oo wada fin iyo Gaatira

 Markale dib u xasuuso laba jeer oo Xaaladu adkayd oo aan kaga baxnay Midnimo iyo Talo Marka hore wuxuu ahaa markii aan raadinaynay Xoriyada oo ahayd kontomaadkii waan ka gun gaadhanay oo waatii aan helnay Xoriyadii Somali ugu horaysay waatii ilaahay inagu galaday Inaan Noqono Curadkii Shantii Somaliyeed Ee hadhsanaayay Hoosadii Gunnimada Maantana waa ogtihiin Halkaan ka joogno Galadaa Eebe  waxan nahay kuwa ugu hooseeya Shantii Somaliyeed waayo Mahayno Madaxbanaani Qarameed iyo Mid Nololeed toona waxan daba fadhinaa kuwii aan uga horaynay Xoriyad halkii aan ka ahaan lahayn Hormuudkooda Xoog hormuudkooda Xeer iyo Hormuudkooda Siyaasadeed.

Marka labaad wuxuu ahaa Markii Somali Jabtay markii La Waayay Dawladii aan u Dulaynay Dawladnimadeenii ee la odhan jiray Jamhuuriyada Somaliya Waatii aan la nimid Markale Midnimo iyo Isku Duubni aan kaga baaqsanay Holaca ilaa manta ka dhacaaya Koonfur waatii aan Dib ugu wayraxnay lasoo Noqoshada Dawaladnimadeenii aan luminay 1960 kii ee aan ku dhawaaqnay Dib ula soo noqoshadii Qarankeena

Dagaaladii sokeeye ee Gondaheena ka dilaacay waxan kaga soo gudubnay Midnimo iyo Wadajir waxan kaga soo gudubnay Karti iyo Daacadnimo wakii ilaahay ina waafajiyay Qabsoomidii Shirkii waynaa Shirkii Sharafta lahaa ee aan Cagaha ugu taagnay Axdi Qarameedkii Dawladeenan maanta ee Ka Qabsoomay Borame Runtii Xili adag ayuu ahaa oo ay kakantay sida looga gudbaa balse waxan kaga soo gudubnay Midnimo inagoo kala ahayn Qabiilo kala gaara kana kala Yimid Gobolo kala gaara Nasiib wanaagse ka midaysnaa Laba ujeedo oo waawaynaa kuwaas oo kala ahaa #Nabad iyo #Qaran lawada harsado.

Kaasoo lahaa ujeedooyin iyo Ahadaaf waa wayn oo la rabay inuu Xaqiijiyo kuwaas oo ay ugu Mudnaayeen Helida Cadaalad iyo Sinaan aan kaga Bogsano Diiftii iyo Daalkii Halgankii la soo maray,Raadkii Xuma ee Colaadihii Sokeeye,Abuurida Nolol u Cuntanta Shacabkii Calooshoodu madhnayd ee Colaaduhu saameeyeen iyo in Ugu Dambayn la Xaqiijiyo Ictiraaf iyo Aqoonsi Buuxa Si aan qayb uga noqono Bulsho waynta Daafaha Dumida ku nool.

25 Sano kabacdi waxa ina Horyaala Xaalado adag iyo Xaqiiqooyin aan indhaha laga Qarsan Karin oo u baahan in toos loo taabto kuwaasoo inagu abuuray Cabsi iyo Welwel Horle oo Qofwalba taabtay Aqal walbana Galay oo Ninkii inuun Garaadlihi Arkaayo Soo Noqoshada Wadhidii la inagu yiqiin oo ahayd ((Waabkii wanaag lagu dhisaba isla waaga berigiisa koox kale ayaa kala wanjaafta)) waxaana waxa keenayaa waa.

Qabyaalad iyo kala Qoqob

Anigu maxaan helayaa iyo Dantayda

Nolol Xumo baahsan oo taabatay Shacabka

Kala tashi iyo Alalaaska Qolooyin Jaan

Dantii guud oo Cid gaara loogu adeego lagana Hormariyo Danreer

Beenaale iyo Afmiishaar isku habar wacda

Hebal iyo Reer hebal ku Xumeeda oo Xeerka jiidha xadkana ka baxda

Reer Somaliland now Qarankani kuma Dhismin Fikir iyo Talo Qolo gaari leedahay Maantana ku socon maayo Anaaniyad iyo Anaga Laabta la garaaco Qarankan ma sheegan karto Qolo gaarii ama Koox Is urursatay  Qarankan looga tagi maayo Xumaanta ay fasho  Kudlad  gaar ahi

25 Sano ka hor Burburkii iyo Balaayadii Dhacday waxan kaga soo baxnay Midnimo

25 sano ka hor kala Duwanaashihii Talooyinkeena iyo Tabashooyinkii Dhexdeena waxan kaga soo gudubnay Midnimo iyo Is dhagaysi

25 Sano ka hor Taladeena iyo Ujeedadeena oo Midaysan Awgeed waxan Samaynay Go aankii waynaa Ee Dib ula Soo Noqoshada Madaxbanaanideena iyo Dhismahii Dawladan maanta Qurbaha looga soo hiloobayo

Maahayn Gooni isku taagii Isaaqa

Maahayn Gooni isku taagii Gadabuursiga

Maahayn Gooni isku taagii Hartiga

Maahayn Gooni isku taagii Reer Bariga

Maahayn Gooni isku taagii Reer Galbeedka

Maahayn Gooni isku taagii SNM

Wuxuu ahaa Go aan lagu midaysnaa ma jirin Cid wax muquunisay ma jirin cid la muquuniyay mana jirin Cid maankooda iyo Miyirkooda la iibsaday waayo wuxuu ahaa Goaan Danteenu midaysay, wuxuu ahaa Qaraar Maslaxadeenu ku jirto Wuxuu ahaa Qaraar Milgaheenu ku jiro wuxuu ahaa Qaraar aan kaga bad baadnay Balaayada Koonfur ka dhacday oo aan ku Curinay Talo iyo Turuq midaysan waayo (( Midnimo ayaa Mawle inoo Dardaarmay ))

Waxan la hadlayaa Raga Bulshada Caynkaasa kala Qoqobaaya ee kala Qaybinaaya  Maalinkan maanta ah ee Adeegsanaaya Magacyada Ururo u Danaynaaya Koox gaara iyo Cidgaara oo Hayb dabada ku haysa waxan leeyahay Xasuusta Taariikhdu waa Cibro Markii Dalka lasoo galay waatii SNM Kala Jajabtay ee iyadii Geeska is galisay, Sidoo kale Waatii inta Hargaysa Dagtaa Dabka kala qaadan wayday iskuna talaabi wayday hadaba Walaalayaal kuwa maanta Dib usoo nooleeyaa waxay nagu Celinayaan Ceelkii aan Dirqiga kaga soo baxnay waxa lamida iyaguna kuwa waxaa wax lamida la yimid maanta ama maanka ku haya ee meelaha Qaar lagu sheegaayo  waxan leeyahay (( Midnimo ayaa muunaysay Qayrkeen )).

 waxan la hadlayaa Hooyooyinka ku Heeryaysan Duruufaha Adag ee la daalaa dhacaaya baadi goobka Quutal daruuriga Hooyooyin waxan idin leenahay Maanta Qarankani wuxuu u baahan yahay Garabkiina iyo Codkiina inaad kaga badbaadisaan Musuq layaasha iyo Afmiisharda si aan uga badbaadno Qax iyo Colaad Dambe oo ay hordhac u yihiin

Ų  Kala Shirshirka Qabiilada

Ų  Sicir bararka iyo Nolol Xumada

Ų  Cadaalad darada iyo Dulmiga Danyarta

Ų  Dabaqado samaysma

Ų  Laynta Shacab la il daran Haraad iyo Shaqo Xumo

Hadaba Soo Celinta ama ku dhaqanka wixii shalay ina wadi waayay waa Dib unoqosho mar hadaan Shalay iyo Doraad Midnimo kaga soo Gudubnay Marxalado ka adkaa kana Dhib badnaa kuwan maanta taagan maantana waxan kaga baxaynaa Midnimo iyo Horumar la ambaqaado oo lagu daaweeyo Maanka iyo Muruqlayda Gaajaysan taasina waxay ubaahan tahay Talo taladuna waxay u baahan tahay Hogaan  Fiican oo Fahmi karaaya Fursadaha jira Awoodna u leh inuu Firdaamiyo Fawdooyinka Abuurmay Mudadaa 25 Sano

Maanta waxaynu joognaa Xiligii aan Ubadkeena u abuuri lahayn Mustaqbal wanaagsan maanta waxaynu joognaa Gugii aan nasin lahayn Hooyooyinka daalay ee Danyarta ah maanta waxaynu joognaa xiligii aan ka hortagi lahayn musuqayste Qabiilayste iyo Afmiishaaro kuwada hadlaaya luuqad kaliyaata oo doonaaya inay bakhtigiina ku gaaraan Mansab iyo Magac ay ugu adeegaan Qofaf gaara iyo Qolo gaara.

Sideen uwada noolaan karnaa iyadoo Tijaartii Biyo haysata Danyartiina haraad baasi hayo sideen u aqbali karnaa in Madaxda iyo Tijaartu isku soo dawayso Dibada Danyartiina Dawo ka waydo Dhakhtaradii Shacabku lahaa.

Sideen u aqbali karnaa Sicir barar korodh mooyiye aan hoos udhac lahayn oo ay kuwada danaysanayaan Madaxda iyo inta wax soo dajisaa

 maanta waxan filayaa in shacabku ka daalay in meelahaa laga shubo waaa markaygii waa markii reer hebal iyo Hadal beena oo aanu jirin han ka dambeeyaa kaliya ujeedadiisuna tahay inuu kursiga ku gaaro.

 Gaar uLama hadlaayo Beesha Dhexe Gaar  ulama hadlaayo Beelaha DarafyadaGaar ulama hadlaayo Taageerayasha Wadani gaar ulama hadlaayo taageerayaasha Kulmiye gaar ulama hadlaayo Taageerayaasha ucid

Waxan la lahadlayaa Guud ahaan Shacabka Somaliland Meelkasta oo ay joogan waxan aamin sanahay Dhamaanteen inaan isku Duruuf nahay Inaan isku Dan nahay waxa kale oo aan aamin sanahay inaan isku Damqanayno ma jiro Qabiil kaligii noolaan karaa ma jiro qof kaligii macaashi karaa sidaa darteed waxan u baahan nahay midnimo iyo horumar aan kaga gudubno marxaladaha adag ee inaga haysta Xaga Nolosha

Makala Sarayno mana kala Hoosayno taana waxa inoo damaanad qaaday Diinteena iyo dastuurkana balse waxa macnaha caynkaas ah ina dhex dhigay madaxdeena markaa maanta waxan idin leeyaahay uma baahnin Koox tiraa waa markii Reer Hebal waa marka yagii sidookale uma baahnin waa Nin wayn iyo waa Nin yar sidaa si lamida uma baahnin Hebalbaa Aqoonyahan ah iyo Hebalbaa Qurbaha ka yimid sidaa si lamida uma baahnin Hebalbaa Abaal inagu leh Talada Umadani way ka wayn tahay wax Dhibaad loo bixiyo ((Waayeel uma baahnee Waxgarad ayaan u baahanahay)).

              Illaahay Ha u Naxariisto Shacabka Somaliland hana is waafajiyo Quluubtooda

Maxamed Abiib yuusuf

Somaliland Hargaysa       634459085     bulaawecade98@hotmail.com

News Related