Qolyihii muska ka daatay sidii adhi weere galay ee xukuumadda Somaliland sida qorshaysan iskaga casiley toddobaadkan horraantiisii, xukuumadda iyo hoggaanka Kulmiye waxa u furan in ay wada hadal ku dhammeeyaan is maandhaafka jira ee wadeecada iyo waydda ku keeni kara cududdii iyo wadajirkii xisbiga talada haya.
Kooxdaas is casishey xukuumaddu uma darsan doonto maqnaantooda, hase yeeshee xisbiga ayay maqnaantu xagal daac ku keeni kartaa. Haddii ay sabada Kulmiye ka digo rogtaan, waxa ay la guuri taageerayaal Kulmiye ahaa tiro iyo tayo kasta ha yeeshaane.
Khilaafyada in wada hadal lagu dhammeeyaa, oo la isu tanaasulaa, waa ka mid dhaqanka siyaasadda axsaabeed. Feedo guranka iyo kala jajabkuna waa u col iyo cadaawe oo cuddooday wiiqaan, gaadhidda libtooyada na way sii durkiyaan.
Dadka qaar waxa ay hilaadinayaan in aanu wada xaajood suurta geli karin oo kooxdaasi u wareegi doonaan wixii 10-ka November ka dambeeya axsaabta kale ee mucaaridka ah. Labada xisbi ee Ucid iyo Waddani ba waa la hadal hayaa, in kasta oo carrabka Ucid lagu soo celcelinayo.
Hase yeeshee bar-kuma-taal laga ma dhigin in is afgarasho Kulmiye dhexdiisa ah la isku dayo in arrinta lagu furdaamiyo iyo in lagu guulaysan karo ba.
Si kasta ba ha ahaato eh, waxa in badani quuddarraynaysaa in loo hollado dhexdhexaadin iyo in arrimaha murugsan wada xaajood lagu xallilo.
Labada geesood iyo qaran ba taas bay dani ugu jirtaa.
Dani waa seeto!
Maxamed Baashe Xaaji Xasan