Published:

gal

Waxa shaley xarunta Xalane, magaalada Muqdisho, caasimada Soomaaliya ka furmey shir Dawlada taagta daran ee dhabta Beesha Caalamka ku jiifta ugu magac dartey “ Shirka Wadatashiga Qaran”, shirkaas oo looga arinsanayo nooca doorasha ee Soomalilya ka dhici karta marka la gaadho September 2016 oo ku eg dhamaadka muddo xileedka Dawlada maanta jirta. Wakiilka gaarka ah Qaramada Midowbey ee u qaabilsan Soomaaliya, Nicolas Kay ayaa shirka hor dhigey Su’aal ah “Yaa xulaya ergooyinka dooran doona Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dawlada Federaalka Soommaliya ee iman doona bisha September 2016?”

Nicolas Kay ayaa sidoo kale u sheegey ka qeybgalayaasha Shirka in ay iyagu keenaan su’aasha  jawaabteeda. Shirka oo maanta galey maalintiisii labaad, ahna maalinta gabagabada Shirka ayaa si adad looga doodi doona dhowr qodob oo shaley lasoo bandhigey. Qodobadaas oo lafilayo in su’aashi Nicolas key jawaabteedi kasoo dhex baxdo ayaa soo jeedintooda waxa kaalin xoog leh ku yeeshay Maamul Goboleedka Puntland.

Afhayeenka Maamul Goboleedka Puntland C/laahi Maxamed Jaamac (Quraan Jecel) oo ka mid ah wafdiga Puntland ee shirkaas ka qaybgalaya ayaa sheegay in Qodobada ugu adag ee shirka maanta looga doodayo ay ka mid yihiin, waxa laga yeelayo Nidaamka 4.5 ( Afarta beelood ee Soomaalida ugu waaweyn iyo kuwa .5 loo yaqaano) oo  ay horay u sheegeen in aynan marnaba ka mid noqon doonin oo aqbali doonin Dowlad Soomaaliyeed oo mar kale Nidaamkaas lagu soo dhiso iyo halka laga dhigayo Caasimadda dalka Soomaaliya oo muran ka taagan yahay maadaama sanadihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho noqotay “Magaalo Qabiil” oo aan Soomaali oo dhan matali karin.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisu soo bandhigtay aragtida ah in Nidaamka 4.5 looga gudbo karo, in dowlada Federaalka ah ee lasoo dooran doono ay ku timaado habka ah  18-kii gobol ee Soomaaliya iyo 92-dii degmo ee jiray 1991 ka hor, sidaasna 4.5 looga takhaluso maadaama uunan ahayn nidaam caddaalad ah oo Soomaali oo dhan simi kara. Waxaanu hadalkiisa sii raaciyey in Maamulkiisu xaq u leeyahey ergooyinka ugu badan maadaama uu wakiil ka yahey Sanaag Bari, Sool, Bari, Nugaal iyo Waqooyiga Mudug.

Si kastaba ha ahaatee waxa aragtida Puntland aad uga biya diidey Xildhibaanada  Biibi Khaliif Maxamed, Bishaara Cabdi Diiriye, Cabdirizaaq Cusmaan Xasan “Jurile”, Maxamed Maxamuud Xuseen “ Goodir”, iyo Nuur Iidow Beyle oo dhamaantood ka soo jeeda Magaalada Muqdisho. Waaxaney aragtida Puntland ku tilmaaneen mid qaldan oo sad buursigii looga bartey ah, iyagoo Maamulka Puntland usoo jeediyey  in aanu xaqiiqda dhabta ah iska idha tirin, walaalahooda Soomaaliyeedna cadaalad wax kula qeybsadaan

News Related