Published:

 Dadkaygoow dalkaygoow

Damacayga madaxnimo

Dalka inaan hoggaanshaa

Dadka inaan u taliyaa

Daaro inaan ka seestiyo

Inaan doolar ka hantiyo

Inaan qolo durduurshiyo

Dano gaara kama lihi

Iyo xukun diktaytara

 

Dadkaygoow dalkaygoow

Damacayga madaxnimo

Dalka inaan hoggaamiyo

Waxan uga dan leeyahay

Inaan Daa’im la cuskado

Danta guud inaan tolo

Isku dayo dal iyo dibad

Dadka waxan u qaban laa

Dumarkiyo carruurtiyo

Da’yartiyo iyo agoomaha

Aan daryeel u sara kaco

Oy daacad iga tahay

Haddii Daa’imku aqbalo

Dadkaygoow  dalkaygoow

Damacayga madaxnimo

Dalka inaan hoggaamiyo

Waxan uga dan leeyahay

Darajada aqoontiyo

Diblamaasinimadiyo

Khibradayda duugga ah

Dalka inaan hore u wado

Ilaahay  ha daaye

Duco qabo walaalkay

Halkuu maanta daajiyay

Inaan daaqsiin kale furo

Dardargeliyo hawlaha

Khayraadka dihiniyo

Nimco kuu daboollayd

Inaan dawyo badan furo

Danta guud u hagar baxo

 

Dadkaygoow  dalkaygoow

Damacayga madaxnimo

Dalka inaan hoggaamiyo

Waxan uga dan leeyahay

Diblomaasi baan ahay

Dawladaha Midoobiyo

Duwalka Afrikaadiyo

Dunidaba dhammaanteed

Nin la doodayaan ahay

Oon daah ka saarrayn

Dulucdaydu waxay tahay

Doonisteennaa qaranimo

Halkay daarantahay talo

Ka dalbado aqoonsiga

Doorka u horreeyaba

Isagoo dardaro qaba

Ictiraafki soo dego

 

Dadkaygoow dalkaygoow

Maxaan daalacanayaa

Dalka horumarkiisiyo

Daabbadii aqoonsiga

Dariiqaan u marilaa

Immikaan ku daba jiray

Anoo duubka qaatana

Wuu ka soo degdegi laa

 

Dadkaygoow  dalkaygoow

Damacayga madaxnimo

Hoggaan daacadaan ahay

Dalkaan kala aqaannaa

Dadkaan wada aqaannaa

Dugsiyada aqoontiyo

Duruustaan u bixin jiray

Da’yartaan wax soo baray

Maantaana daryeelkood

Daacad baan u wada ahay

Diriraha sokeeyiyo

Dadka kala gurkiisiyo

Dulmigiyo iyo qabiilkiyo

Dirka xukun diktaytar ah

Ninka diidan baan ahay

Midnimada danteediyo

Dalka wada jirkiisiyo

Isku duubnideenniyo

Doonista ictiraafkiyo

Sumcadeenna dibadaba

 

Dalkaygoow dadkaygoow

Shirka loo doceeyay

Haddii laygu doortiyo

Haddii lay duceeyaba hooggaan daacadaan ahay

 

Maansadi waa dareenkayga  aan ku taageerayo Musharax Maxamed Biixi Yoonis

 

Muna Cabdillaahi

Burco, Somaliland

 

21kii October 2015

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

News Related