Shidaalka Berbera
Hargeysa(GNO)October-22-2015- Madaxtooyada Somaliland, ayaa difaacday safarkii madaxweynaha iyo weedhihii madaxweynuhu ka yidhi madaarka Cigaal, kadib markii xoghayaha warfaafinta Waddani naqdiyay socdaalka iyo hadalka Madaxweynaha “Xisbiga WADDANI waxaan leeyahay safarkii madaxweynuhu wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan oo qaranka waxtar u ah, waxaanu ahaa safar rasmi ah, guulna ku soo dhammaaday,”Ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.
Afhayeenku isagoo la hadlayay xisbiga WADDANI waxa uu yidhi “Waxaase la yaab leh in markii uu madaxweynuhu soo noqday, garoonka diyaaradaha ayuu ka hadlay, hadalkiisuna wuxuu la xidhiidhay sida caadiga ah marba munaasibadda la jooggo ayuun baa laga hadlaa, waxaanu madaxweynuhu ka hadlay safarkii uu ku soo maray dalalka Ireland, Britain iyo imaaraadka carabta. Af-hayeenka xisbiga Waddani wuxuu yidhi madaxweynuhu dadkii ayuu la hadli kari waayay, waa nasiib darro in mucaaridnimadda laga dhigo in wixii afkaaga ku soo dhacaba aad la sare joogsato.
Waxaanan leeyahay haddii aad u haysataan in madaxweynuhu uu xisbiga Kulmiye oo keliya madaxweyne u yahay, sidaas ma aha, ee waxa uu madaxweyne u yahay xisbiga Waddani ee aad ka hadlaysaan, xisbiga UCID ayuu madaxweyne u yahay, qaranka Somaliland oo dhan-na madaxweyne ayuu u yahay. Marka madaxweynaha lala hadlayana waa in lagula hadlaa af-asluub leh, oo waxtari karra.”
Axmed Saleebaan Dhuxul, oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Xisbiga Waddani waxaanu leenahay Kulmiye wuu heshiiyay, laakiin idinku barnaamijkiinii siyaasadeed ee aad ugu tallo gasheen in aad tartanka kaga qayb gashaan ummadda u soo bandhiga. Weli may dhicin in xisbiga Waddani barnaamijkiisa uu soo bandhigo, balse barnaamijkiisii wuxuu noqday naqdin iyo hadalo af-lagaado ah oo uu madaxweynaha iyo xukuumadiisa u jeediyo. Midda kale marka wax la dhaliilayo, waxaa la naqdiyaa nidaamka maamul, hase yeeshee shaqsi waxba lagama sheego, waayo waxay si fool xun wax uga sheegayeen madaxweynaha qaranka. Markaa waxaan leeyahay xisbiga Waddani dawladnimadu sidaas ku dhismi mayso, oo madaxweynaha qaranka Somaliland inta uu dalka maalin qudha u qabtay, haddii uu Waddani dhammaantii isku-wada tagtaan kuwiinan wax ka sheegayaa, weligiin u qaban maysaan.”
Dhinaca kale, Af-hayeenka madaxweynaha waxa uu ka hadlay haamaha shiidaalka Berbera oo ay dhawaan xukuumadu ku wareejisay shirkaddo ganacsi oo gaar loo leeyahay iyo sidoo kale xaaladda ka taagan magaaladda Berbera. Waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ula yaabanahay xildhibaan ka tirsan golaha Wakiiladda oo ka soo jeedda gobolka Saaxil, oo caawa (xalay) warbaahinta ka hadlayay oo yidhi xukuumadu nabadgeliyo darro ayay ka wadaa Saaxil, waxaan leeyahay xildhibaankaasi dawladu nabadgeliyo darro ma waddo, balse iyada ayaa nabadgeliyadda ilaalisa, haddii aad ummadda reer Saaxil wakiil ka tahay sida aad u turjumatay ma aha, waxa wanaagsan ee bulshadda Saaxil lala doonayo, iyo horumarka laga doonayo ayaad wax ku darsan lahayd.