Published:

Sida aan qaybtii hore ee qoraalkeygan kusoo sheegay, waxa aan qaybtan kaga hadli doonaa mashruuca la yidhahdo Berbera Corridor, sida uu ku bilaabmay, cidda fikirkiisa laheyd iyo sida uu faa’idooyinka ugu leeyahay amma ugu lahaa Qarankeena.

Berbera Corridor

Inkastoo fikirka ah in Ethiopia isticmaasho dekedaha Somaliland, oo 2-da dal yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo bilaa cuqdad ah, ahaa mid la kowsaday dib-u-dhalashadii dalkeena 1991-kii, hadana mashruuca Berbera Corridor wuxu ahaa mid ka dhashay markuu madaxweyne Cigaal (AHU) lakala baxay baalashiisii diplomaasiyadeed isla markaana muujiyay aqoonta dheerigaa ee uu u lahaa diplomaasiyada caalamka oo uu markaa u guntaday in uu hello saaxib dhaw (close ally) oo ku taageera qadiyadda dalkiisa ammaba fikirkiisa uu ka qabay dalkii burburay ee Jamhuuriyada Somalida (Somali republic) la odhan jiray ee aynu ka midka ahayn.

Madaxweyne Cigaal (AHU) waxa uu ka faa’idaystay isbadilo iyo dhacdooyin wakhtigaa Geeska Afrika ka socday oo ay ka mid ahaayeen colaadii Ethiopia iyo Eritrea oo sababtay in Ethiopia ay ka xidhmato marinkii dekeddaha Assab iyo Massawa ee Eritrea, dekedda Djibouti (Jabuuti) oo aad mashquul u noqotay isla markaana wada qaadi kari wayday baayacmushtarkii iyo waliba mucaawinooyinka u socday dalka Ethiopia, dagaalkii sokeeye ee hubaysnaa oo markaa ka dhammaaday dalka Somaliland iyo waliba dalalka khaliijka oo xoolihii dekedda Berbera ka dhoofi jiray cuna qabateen saaray. Waxa kaloo qayb ka ahaa soo shaac-baxa Berbera Corridor midawga Yurub (EU) oo mucaawinooyinkii dadka tabaalaysan ee Ethiopia (Humanitarian Aid) u wadeen dib-u-dhac badani ku yimid sababtuna aheyd dekedda Djibouti oo wada-qaadi kari wayday shixnadihii (goods) ganacsi iyo mucaawinooyin ee marayay.

Mashruuca Berbera Corridor wuxu ahaa (sababta aan maadiga amma wax taggay uga dhiggayna gunaanadka ayaan ku sheegiye) mid 3 geesood ah oo gees walba dan gaar ah amma aragti gaar ah ka lahayd. Sadixda (3) geesood ee mashruucani wada danaynayay waxa ay kala ahaayeen Ehtiopia, Somaliland iyo EU-da siiba dalka Fransiiska (France).

Raiisal Wasaarihii Ethiopia ee Melez Zenawi wuxu istusay in dalkiisa deked kaliyi ku filneyn siyaasiyan-na u fiicneyn in uu waddan qudhi dariiq wax usoo maraan u noqdo.  Wuxu lagama-maarmaan u arkayay in waddan 2-aad oo dalkiisa u dhaw uu xidhiidh sokeeye la yeesho danta dalkiisu ku jirto.  Madaxweyne Cigaal isna wuxu istusay in Somaliland u baahantay saaxib dhaw oo dani isku xidho oo Somaliland kaga badbaado colaadihii iyo shirqooladii dalalka Carabta iyo Soomaalida kale la maaganaayeen.  Waxa kaloo madaxweyne Cigaal ku dhalatay in uu ilaha dhaqaalaha Somaliland badiyo (diversifying Somaliland economy) oo markii hore ku xidhnaa dhoofinta xoolaha nool oo qudha. Madaxweyne Cigaal oo u waramaya sanadkii 2000 wakaaladii waraka ee IRIN ee UN-ta hoostagi jirtay ayaa wuxu yidhi: “Dalkani (Somaliland) wuxu noqon doonaa dalkii ugu horeeyay ee Afrika ee noqda barwaaqo sooran” (This country is going to be the first African economic tiger). Geesta 3-aad oo aheyd EU oo Fransiis-ku ku hoos nabanyay ayaa strategy ahaan muhiim u arkaysay in mucaawinooyinka dadka gaajoonaya loo waddo hellaan marin amma dariiq ay maraan oo si dhakhso ah ku gaadhi karaan dadka Ethiopia gudaheeda aabaaruhu ku hellaan.  Sidoo kale waxa uu Fransiis-ku la hayay aragtida Meles Zenawi ee ahayd in Ethiopia hesho deked kale oo ay wax usoo maraan oo ayna Djibouti oo qudha ku xidhnaan.

EU-du waxa ay bilawday 1996-kii in ay gacan ka gaysato dayac tirka wadada u dhaxaysa Berbera iyo Caasimada Somaliland oo siiba biriij-yadii go’ay dib loo dhiso.  Sanadkii 1997-kii waxa ay EU-du dhaqaale ku bixisay tababarka shaqaalaha dekeda Berbera iyo in awooda iyo tayada shaqada dekeda sare loo qaado oo qalab-na loosoo iibiyo. Sanadkii 2001-dii shixnadaha dekedda Berbera kasoo dagga waxa ay Ethiopia lahayd 30%.

Sanadku markuu ahaa 2000 waxa sii badatay hadal haynta mashruuca Berbera Corridor taasoo ay sabab u ahayd isfaham dhex maray madaxweyne Cigaal iyo Raisal wasaarihii dalka Ethiopia ee Meles oo waxa Berbera Corridor lagu daray dariiq-yada muhiimada dhaqaale u leh Afrika-da bari ee EU-du qorshaysatay in ay gacan ka gaysato.  Daba ka riixa Ethiopia iyo xidhiidhka dhaw ee Somaliland iyo Ethiopia ka dhex abuurmay waxa uu sababay in ay EU-du mashruucan muhiimadiisa siiso.

Waxa xusid mudan in intaas xidhiidhka Cigaal iyo Meles xoogaysanayay uu xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti sii xumaanayay. Waxa kalo xusid mudan in EU-du, siiba dalka Fransiis-ku uu dhiiri galinayay xidhiidhka kobcayay ee Ethiopia iyo Somaliland. Waxa aan qoraal gaar ah isna kaga hadli doonaa taariikhda xidhiidhka Somaliland iyo Fransiiska oo qeyb libaax ku lahaa mashruucan isagaa.

Madaxweyne Cigaal (AHU) waxa uu geeriyooday 2002-dii isagoo mashruuca Berbera Corridor noqday mid ku biiray wixi Somaliland aduunka ka iibin jirtay ee ay nabadu kow ka aheyd, oo mashruucu soo jiitay shirkad Fransiis ah (Bolloré) oo maal-galin rabta in ay ku sameyso dekeda Berbera.  Sanadkii 2003-dii waxa ay EU-du qandaraas ku bixisay u kuur gallidii mashruucaas (Feasibility Study) ee ugu horaysay oo ay fuliyeen 2-ba hay’yadood oo kala ahaa Ethiopian iyo Fransiis oo lakala yidhahdo Afroconsult iyo Louis Berger S.A.

Hadaba waxa iswaydiin muddan mashruuca mudadaas socday ee loo heelanaa, ee ka qeyb qaatay iibgeynta qadiyada dalkeena, maxaa hortaagan in uu hirgallo oo dekeda Berbera hesho maal galin casriyaysa?

Waxa aan kaga hadli doonaa cidda hortaagan qeybta 3-aad ee la soco.

Iid Xasan Aw Muuse,

Somaliland Activist

London

iidsl@hotmail.com

News Related