Published:

Baryahan dambe Xisbiyada Qaranka, bulshada rayidka iyo saxaafada Somaliland waxa aad looga hadal hayaa, dooddo culusina ka dhex socdaan laba arrimood, oo runtii muhiimad weyn u leh dhisida Qaran casri oo la jaan qaadi kara qarnigan 21-aad. Labadaa arrimood, oo kala ah qabyatirka Distoorka Somaliland iyo xakameynta qabyaaladu ku leedahey siyaasada iyo horumarka wadanka. Distoorka Somaliland oo sameyntiisii hadda laga joogo muddo 20 sano ku dhawaad ah, waa hubaal in maanta la gaadhey dib u eegistiisa iyo qabyatirkiisa si Qaranka curdinka ee Somaliland ula jaan qaadi lahaa dunida casriga ee inagu xeeran. Haddaba qeybaha aadka ugu baahan qabyatir waxa ka mid ah dhowr mawduuc oo ah:

1 Awoodaha Golaha Guurta iyo qaabka loo dooran ama xuli karo: tusaale, maanta muran kama jiro in Distoorku Guurtida oo kaliya siiyey awooda muddo kordhinta hayadaha Fulinta iyo Xeer-dajintaba, markay mudadii 5 sanadood ee la doortay ka dhamaato.Laakiinse muddo kordhintaasi waxay ku xidhantahay shardi odhanaya inay ku iman karto uun hadii ay dalka ka dhacdo nabadgelyo darro baahsan ama ay ku habsato aafo dabiici ahi oo gaadhsiisan heer ay ku suurtoobi waydo in doorasho la qabto. Haddi masiibooyinka dabiici ahi aaney wadanka ka jira, kuma cada Distoorka cida leh awooda Muddo kordhinta, waa halkaas in dib u eegista Dastoorka si aan muran geli karin lagu cadeeyaa. Waxa kale oo hubaal ah in Golihii Guurtida ee ka koobnaa cuqaashii wadanka, maanta ay in yar oo fara ku tiris ah ka sii joogaan.

Awoodaha Golaha Sharci Dejinta iyo Golaha Fulinta iyo wada shaqeyntooda oo si aan mugdi ku jirin Distoorka lagu cadeeyo: tusaale, dhibta maalmahan kala heysta labadii Gole ee kale madaxa banana(Fulintii iyo Sharci Dejintii) iyo waraaqaha ay isku cel-celinayaa waa mushkilad wiiqeysa nidaamka dawladnimo, una baahan xal waara.

3 Qaab dhismeedka Golaha Fulinta, gaar ahaan tirade Wasaaradaha iyo hay’adaha Madaxa Banaan: tusaale, Xukuumada Kulmiye, balan qaadkeedii ahaa dhisid Gola Wasiiro oo kooban, tayana leh may oofin. Tirada Wasiirada Somaliland maanta waa wax laga xishoodo.

4 Sharciyada iyo Shuruudaha Gobolnimo iyo sida Xildhimaanada Degaanka lagu soo doorto: tusaale, Xukuumadii Daahir Riyaale, markey sii dhaceysay waxay dalka dhaxalsiisay arrin la odhan karo waa miino u baahan xal inta aanay qarxin. Arrintaas oo ah Goboladii tirade badnaa ee Riyaale magaacaabey, ilaa haatana mid qudha aan Sharciga la waafajin.

5 Shuruucda Maamul ee Warbaahinta Dawladu gacanta ku heyso iyo shuruucda warbaahinta madaxa banaan: tusaale, xisbiyada mucaaridka maanta iyo xisbul xaakimka markii uu mucaaridka ahaa, waxey dhamaantood ka cabtaan in warbaahinta Dawladu maamusho aan loo sineyn. Teeda kale warbaahinta madax banaan waxey aad u buun-buunisaa dadka aan cidi dooran ee ku hadla magac beeleed, iyagoo dhaleyceen xad dhaaf u jeedi kolba xukuumada markaas talada dalka heysa, arrintaas oo saameynta qabyaaladu ku leedahey Siyaasada dalka sii xoojinaysa.

6 Awoodaha Komishanka Doorashooyinka iyo u qeybinta xubnaha Xisbiyada tartamaya: tusaale, qaab dhiismeedka Komishanka Dorashooyinka maaha mid maanta cadaalad ku dhisan inkastoo uu Distoorka waafaqsanyahey. Komishanka Dorashooyinku wuxuu u xilsaaran yahey maamulida doorashooyinka ay ku tartamayaan 3-da Xisbi Qaran ee Distoorku ogolyahey. Marka Doorasho dhaceyso musharaxa xisbul xaakimka oo la siman 2-da musharax ee mucaaridka maadama u dhameystey xilkii uu umadda u heyey, wuxuu si toos iyo si dadban u magacaaba 5 xubnood oo ka mida ah 7-da xubnood ee Koomishanka Doorashooyinka.

7 Tirada Guud ee Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo saami qeybsiga Gobolada Dalka: tusaale, dhawaaqii iyo cabashadii Xildhibaanada Golaha Wakiilda ka soo jeedey Gobolka Awdal wuxuu soo shaacbixiyey arrinta saami qeybsiga Golaha Wakiilda oo 15 sano in ka badan siyaasiyiinta Somaliland ku dhiiran la’aanyeen ka hadalkeeda. Maanta waxa la gaadhey wakhtigii shuruuc adag looga soo saari lahaa.

Waxa nasiir daro ah in maanta marka loo fiirsado  Xisbiyada mucaaridka iyo Xisbiga Talada haya, in arrimahaas kor ku xusan ee ahmiyada weyn u leh mustaqbalka Somaliland iska dhaaf ka doodistoodee aaney sooba hadal qaadin.

Maxamuud-Yaasin Cabdillahi Ciro

Brussels

Belgium

Mederka@hotmail.com

 

News Related