Published:

Warkan oo Warabaahnta Qaarkood Sheegeen in Koxi iksu dayday inay Carqaladayso kulanka base warkaasi aanu jirin12165952_10153669967848535_1177600705_n

 

19/10/2015

Salaan kadib,

Waxan halkan ku beeninayaa warar sheegayey in kulankii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefdigii uu hoggaaminayey ay la qaateen jaalliyadda reer UK ay kooxi isku dayday inay carqaladayso hotel-ka lagu qabanayey. Warkaasi waxa kale oo uu raaciyey in Duqa Caasimadda London arrinkaa soo dhex galay oo amray in kulanka la qabto, baadhisna lagu wado sidii wax u dhaceen.

Haddaba annagoo ah Safaaradda Somaliland ee UK ahayna ciddii masuulka ka ahayd hawlaha qaban qaabada kulana waxanu halkan ku caddaynaynaa in aanay waxba ka jirin wararka noocaas ah, shirkuna si wacan oo farxad, nabad iyo waddaniyad leh u qabsoomay.

Waxan saxaafadda Somaliland u soo jeedinayaa inay ka taxaddiraan wararka ay baahinayaan isla markaana raalli gelin ka bixiyaan qaladkaa ay ka galeen ummadda Somaliland iyo masuuliinta dalkan UK ee aynu saaxiibka nahay.

Waxan halkan uga mahad celinayaa dhammaan dadkii qaybta libaax ka qaatay soo dhoweynta wefdiga madaxweynahay Jamhuuriyadda Somaliland intii ay booqanayeen Ireland iyo UK.

Allaa Mahad leh.

Ali A Awale
Wakiilka Somaliland ee UK

News Related