Published:

Daawo sirtan Culus ee wasiirka wershaduhu uu ku dawarsanaya magaca Somaliweyn, isaga oo shirar dhuumasho ah la galay koox soo marti gelisay oo asal ahaan ka soo jeeda ururadda Puntland ee qurbojooga ah ee aay ka mid yihiin “Ururka Iftin, Puntnet iyo Dutchsom”, kooxdan ururada ah oo wada shaqeyn la leh shirkad Holland ah oo magaceeda la yidhaahdo “SPARK-Ignites ambition”. Wasiirada lagu soo marti qaaday oo uu hogaaminayo wasiirka dawlada federalka Somalia ee ganacsiga iyo wershadaha, dhinaca Somaliland wasiirka wershadaha Shucayb, dhinaca Puntland wasiirka ganacsiga iyo wershadaha. Ururadan Puntland ayaa waxaa dhinaca Somaliland u qaabilsan Mahad Faarax Adan oo aay qabiil hoosaad yihiin Madaxweyne Siilanyo.


Wiilkan yar ee mahad oo degan wadanka Denmark, sameeystayna mudooyinkii ugu danbeeyay shirkad uu ugu magac daray Somali Fair Fishing, iyo urur uu ku magacaabay Danish Somaliland Friendship oo aan meela ka diiwaan gashanayn balse loogu talo galay in lagu maxaafsado uun. Ururkan magaca Somaliland xambaarsani wuxuu jiraa mudo 3 bilood ah magaciisu, ma haysto xubno badan oo ka tirsan ururkan, balse koox ilaa 10 qof ah oo asxaabta qoyskiisa u badan. Haddaba sida video kaaga muuqda arrinta la yaabka lehi waxaa weeye wasiirkan maamuuskii Somaliland la dhinac fadhiistay mamul goboleedka Somalia, kana dhuuntay dhamaan jaaliyadihii Somaliland oo dhan..Wasiiradan iyo Kooxdan isku xidhan ee isku adeeganaya waxaay wareegayaan wadamada Holland, Denmark iyo Sweden meelahaas oo dhana waxaay la kulmayaan si qarsoodiya oo wada jir ah Wasaaradaha Arimaha dibadda iyo maalgashiga.

News Related