Published:

Tacsi ku socota Qoyskii Uu Ka Baxay AUN Marxuum Ciise Cilmi Geedi(Ciise Dhameeye) Oo Ka Mid Ahaa Odayaasha dhaqanka ee gobolada awdal,salal iyo gabiley,gaar ahaan waxaan tacsidan u diraynaa sheekh Haybe ciise cilmi geedi oo degan dalka Holland iyo dhamaan reer ciise dhameeye meelkasta oo ay ka jogaan aduunyada.


Boorama Awdalmedia.com Inaalilaahi wa’inaa ileeyhi raajicuun kulunafsin daa’iqatul mowt, waxa ay dhamaan dadka halkan ku qorani tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii qaraabadii iyo dhamaan Bulshaweynta gobalada galbeedka iyo guud ahaanba Somaliland ee uu ka baxay alaha u naxariistee marxuum Suldaan Ciise Cilmi Geedi(Ciise Dhameeye) oo ku geeriyooday Magaalada Boorama.
Alaha u naxariistee Marxuum Ciise Cilmi Geedi(Ciise Dhameeye) oo ka mid ahaa odaydhaqmeedkii dhidibada u taagay nabadaynta iyo dib u dhiska Somaliland sidoo kalena waxbadan ka soo shaqeeyay walaalaynta iyo arimobadan oo ku aadan dhexdhexaadinta soo afjarida colaado iyo beelo diriri dhexmartay ayaa waxa lagu xasuusta arimaha ugu mihiimsan oo ahaa in uu ahaa Oday dhaqan oo ku suntan nabadaynta.
Waxaanay dadka hoos ku quran tacsi u dirayaan alaha u naxariistee qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum Ciise Cilmi Geedi(Ciise Dhameeye) oo lagu aasay Boorama.
maxamed jeex aw yoonis
Xuseen jeex aw yoonis
Xasan jeex aw yoonis
Rooble ibraahim
Muuse aw xasan migil
Axmed aw cabdi xudhuun
Mustafe xasan nadiif
Zaki maxamud rooble
Abdirizak jibuuti


Dhamaan dadka kor ku qoran waxay marxuumka ilaahay uga baryayaan in ilaahay dambidhaaf iyo maqfiro siiyo sidookalena uu janafardawsa hoygiisa ka dhigo aamiin aamiin aamiin, qoyska, qaraabada, ehelada, bulshada gobaladagalbeedka iyo guud ahaa bulshaweynta Somaliland ee uu ka baxaynay ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo aamiin aaamiin aaamiin.

News Related