Published:

Ceerigaabo(GNO) Mid ka mid ah ciidankiisa ayaa gelinkii danbe ee maanta wuxu dhaawac gaadhsiiyey Taliyaha Ciidanka Qaanka ee fadhigoodu yahay magaalada Badhan ee Sanaag-bari Gurey Cismaan Saalax   Taliyahan ayaa dhaawacaasi kazoo gaadhey rasaas askaigiisani ridey  iyadoo rasaastu kaga dhacday dhabarka halkaasoo xabbaddu fadhiisatay si deg deg ahna loola cararay cusbitaalka guud ee Magaalada Badhan oo dhaawacaas lagaga dawaynayo.   Wararka dheeraadka ah qaarkood ayaa sheegaya in askaiga iyo taliyihiisu isku baabuur saarnaayeen kaddibna good dagaal gacan ka hadal ahi rag uu dhexmaray kala qab-qabashadoodii askarigaas qorigu dhulka  kaga dhacay kaddibna qoriga rasaas qarax ahi ka dhacday oo ay taliyahan haleeshay  Halka warar kalena tibaaxayaan In isqabad ku salaysan xuquuqda askariga oo isaga iyo taliyihiisa dhex maray awgeed ay sababtay in askarigani taliyihiisa xabbadda la beegsaday.   Dhinaca kalena Taliyaha oo aannu isku daynay in aannu la xidhiidhno ayaanay telefoonkiisa oo noo dhici waayey awgeed noo siirta gelin. news brought to youGIF

News Related