Published:

Hargeysa (Gabileynews) – Wasiirka Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa ku dhawaaqay in uu isu soo taagayo jagada Madaxweyne Ku Xigeenka ee Xisbiga kulmiye dhexdiisa.

Munaasibad balaadhan oo ka dhacday Magaaladda Hargeisa ayaa waxa uu Wasiir Saleebaan ku cadeeyay in uu ka calaf qaadi doono shirka golaha dhexe ee Kulmiye, kaas oo dhawaan ka qabsoomi doona Magaaladda Hargeysa.

Hore ayaa waxa jagadan ku xigeenka madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye isugu soo taagay saddex xubnood oo uu ku jiro Madaxweyne ku xigeenka wakhtigan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Shalay ayuun baa la soo afjaray khilaafkii ka dhashay jagada Madaxweynaha oo ay ku muransanayeen afar xubnood kuwaas oo hadii alle idmo ku kala calaf qaadi doona shirweynaha golaha dhexe oo u mudaysan in uu qabsoomi bisha November 10-da hadii alle idmo.

Warkan oo faahfaahsan kala soco Gabileynews.net

News Related