Hargeysa(GNO)October-17-2015- xukumadda ayaa garabka Musharaxiinta isbahaystay ee Kulmiye ee k ala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe waxay ka hor istaageen qado sharaf ay ku qabsan lahaayeen hotelka Maansoor kadib markii maamulka Maansoor loo geeyay warqad lagu joojinayo casuumadda.
Musharaxiinta ayaa sidoo kale xalay casuumadooda ula wareegay Hotelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxaanu Hotelku aqbalay inay munaasibadaasi ku qabsadaan, hase ahaatee qaar ka mid ah saraakiisha booliska ayaa xilli barqonimo ah ku war helay casuumada, kuna booriyay mulkiilaha Hotel Guuleed inuu joojiyo munaasibadaasi.
Xogaha RGabileynewsonline.com ka heshay dood dhex martay Mulkiilaha hotelka iyo saraakiisha Booliska ayaa ah in Mulkiilaha hotelku diiday dalabka Booliska, isagoo ku dooday inaanu jirin dambi uu galay islamarkaana Macaamiishiisa uu u shaqaynayo. Waxa uu booliska ku xujeeyay inay maxakamadda ka soo qaataan warqad sharci ah oo lagu xidhayo hotelka, islamarkaana ay Cuntada casuumadda ah oo haatan diyaara lacagteeda siiyaan si uu u xidho Hotelka.
Isbahaysiga Musharaxiinta ka horjeeda garabka guddoomiyaha Kulmiye ayaa la filayaa inay munaasibaddan kaga hadlaan talaabada loogu diiday inay kulan yeeshaan iyo sidoo kale mawqifkooda qabanqaabada shirka Kulmiye oo ay arrimo door ah ku diidan yihiin.
www.Gabileynewsonline.com