Published:

Hargeysa(GNO)Picture412-150x150Wasiir-xigeenka hawlaha guud Md. Cali Cabdi Saa’iq ayaa sheegay in nin siyaasi ah oo aanu magacaabini uu Khamiistii kula kacay hadal cunsuriyad ah oo uu ku durey beesha Tumaal ee uu wasiir-xigeenku ka soo jeedo

https://youtu.be/XlmbyB4Z-R8

Md. Cali, oo shalay hadal kooban ka jeediyay munaasibad lagu qabtay hotel Guuleed oo lagu taageerayay murashixiinta kala ah Maxamed Biixi, Cabdicasiis Samaale iyo Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa sheegay inuu dhibsaday hadalkaas. “Nin ayaa doraad subaxdii I su’aalay, waar shirkii xisbiga KULMIYE ee aad samayseen maxaa lagaa dhigay. Wax wanaagsan ayaan layga dhigay baan ku idhi, Alle wax wanaagsan idiima abuurin qoladiinaa ayuu yidhi.” sidaas ayuu yidhi wasiir-xigeenku oo markii uu hadalkan jeediyay ay dadkii madasha joogay mar keliya is wada bedeleen, waxaanu intaas raaciyay “Marka hore waxaan ku abtirsadaa umadda Nebi Muxamed CS, mar labaadkana wuxuu ninkaasi iin iiga dhigay tumaal ayaad tahay waanan ku faanayaa. Bulsho weynta halkan fadhida ee reer Hargeysa, lixdankii adeerkay ayaa laga doortay Hargeysa. markaas miyaau xumayn.”

Hadalka Cabdi Cabdi Saa’iq ayaa dareen ku abuuray bulsho weyntii kala duwanayd ee madasha fadhiday, waxaanu qof waliba muujiyay sida uu uga xumaaday hadalka uu siyaasiga aanu magacaabini ku durey wasiir-xigeenka.

Dhammaan masuuliyiintii madasha ka hadlay ayaa wasiir-xigeenka ka raaligeliyay hadalkaas oo ay ku tilmaameen mid deelqaaf ah.

https://youtu.be/XlmbyB4Z-R8

News Related