Published:

shucaybGabiley(GNO)wasiirka warshadaha somaliland shucayb maxamed muuse ayaa tan iyo bishii march madaxweynaha somaliland u magacaabay wasiirka wasaarada warshadaha ayaa xilkii madaxweynuhu i igmadey ka muuqataa baylaho farao badan.

wasiir shacayb ayaa inta badan wakhtigiisa ku qaata gudaha magaalada gabiley kuna mashquula inuu ka qaybgalo xafaladaha ka dhaca magaalad gabiley oo uu markii hore maayerka ahaa , hadaba dadweynaha reer gabiley ayaa la yaaban wasiirkan la dalacsiiyey ee hadana xafladihii dawlada hoose qabqaabiso aan ka maqnaaneyn kuna faraxsan ka qayb galankood.

Maadaam uu yahay wasiir qaran oo qaranka ugu masuul ah wasaarada warshadaha loogana baahnaa inuu dardargalin iyo dhiig cusub kusoo kordhiyo wasaarada, soo kormeero xafiisyada wasaaradu ku leedahay gobolada dalka oo dhan, balanse taasi ma dhicin waayo wasiir shucayb waxa uu hawlihii wasaarada kaga mashqquley inuu u olaleeyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye muj muuse biixi cabdi oo ay sanadihii u danbeeyey dagaalo siyaasadeed ka dhexeeya, taasi oo keentey ina wasiir shacayb ka baqay ina muuse ka Aarsado oo saaxada siyaasada ka saaro.

sidoo kale wasiirka warshadah shucayb maxamed muuse ayaa mudooyinka danbe ee uu ku mashquulsanaa gudaha gobolka gabiley waxa uu iska horkeeney maamulka degmada togwajaale iyo odayaash deegaankaasi oo uu khilaaf dhexdood ka abuurey, wasiir shacayb oo aan lahay bisayl siyaasadeed iyo aqoon jaamacadeed oo uu dadka ku kala hago.

Hadaba dadweynaha siyaasada falaqeeya ee reer gabiley ayaa sheegay ina wasiir shucayb tan iyo markii xilkan wasiirnimo loo magacaabay aanu xukuumada waxba kusoo kordhin, taageeradii xukuumadu ku lahayd gobolka gabileyna hoos u dhaca weyni ku yimid

yuusuf ciise cali

Yuusufcali@gmail.com

News Related