“Xisbiga Kulmiye Guddihiisa Waa Inay Ka Dhacaan Tartamo Wanaagsan Oo Nadiif Ah Oo Daahfurnaan Leh Oo Si Furan Looga Wada Qayb Galayo, Haddii La Doonayo ” Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar
https://youtu.be/71excz3WkAo
Hargeysa(GNO)October-30-2015- Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo xukumadda Siilaanyo ka soo noqday wasiirka ganacsiga iyo wasiirka arrimaha dibadda ayaa maanta dalka ku soo laabtay, wuxuuna ka talo bixiyay khilaafka xisbiga Kulmiye iyo xukumaddiisa kala qaybiyay. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay madaxweynaha iyo guddoomiyaha Kulmiye oo uu ku tilmaamay inuu aqlabiyadda golaha dhexe kasbaday.
“Waxaan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo xisbi weynaha Kulmiye iyo hogaankiisa, hawl wadeennadiisa iyo xubnaha golaha dhexe diyaar garowga wanaagsan ee loogu jiro shirka golaha dhexe ee 10-ka November. Waxaan jecelahay inaan hogaanka xisbiga iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku hambalyeeyo sida hawlahaasi u socdaan,” ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa uu sheegay in xisbiga kulmiye caan ku yahay afkaarta kala duwan, wuxuuna rajo ka muujiyay in khilaafka xisbigu ku dhammaan doono is afgarad iyo isku tanaasul “ Waxaan bogaadinayaa hogaanka xisbiga oo hadda si fiican ay ugu socdaan hawlaha xisbigu, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaan jecelahay inaan ugu hambalyeeyo abaabulka siyaasadeed ee xisbigu caanka ku ahaa ee dalkana lagu yaqaanay ee loogu loolamayo musharaxa, sida isbedelka weyni ugu yimid ee taageero muuqata ilaa imika uu ka helay majooratiga xubnaha golaha dhexe,” ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar
Isagoo sii hadlaya waxa uu sheegay in Muuse Biixi sideedii sanno ee la soo dhaafay uu soo maray culaysyo siyaasadeed oo adag. Waxa uu sheegay in Muuse Biixi soo muujiyay bisayl siyaasadeed “Waxaan filayaa in hogaamiyaha Kulmiye oo odaygii xisbiga ah iyo madaxweynaha Somaliland oo odaygii qarankaba ah ay xil wayn iska saaraan in xisbiga la soo ururiyo, khilaafyada jirana si wanaagsan oo macquul ah loo dhegaysto , xisbiga Guddihiisana ay ka dhacaan tartamo wanaagsan oo nadiif ah oo daahfurnaan leh oo si furan looga wada qayb galayo, waxa halkaas ka soo baxana xisbi weynaha Kulmiye dhammaantii wada taageero haddii la doonayo in xisbiga Kulmiye talada dalka mar labaad ku guulaysto.”
Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar oo arrimaha Kulmiye ka sii hadlaya waxa uu yidhi “Ugu dambeyn waxaan u rajaynayaa shirku inuu si guul ah u dhaco, si iskaashi leh u dhaco, qolada wasiirada ah ee xukumadda ka baxayna waxaan rajaynayaa inaanay arrintaasi furin cadaawad siyaasadeed oo aan loo baahnayn iyo khilaaf siyaasadeed oo aanu dalkani u baahnayn ee meel looga soo wada jeesto dhisidda xisbiga iyo qarankaba, iyadoo wixii cabashooyin jirana hogaanka xisbiga iyo dariiqyada sharciga ah loo maro oo xal loogu helo.”
Ugu dambeynna wuxuu ka hadlay ammaanka mandaqada Somaliland ku taalo “Dhinaca kale Somaliland waxay ka mid tahay mandaqad arrimo badan oo xasillooni darri ahi ay ka jiraan, markaa xisbiga, hogaankiisa iyo madaxweynahaba waxaa looga baahan yahay in tusaale wanaagsan uu xisbigu u noqdo dalka, oo xisbiyada kalena kaga daydaan sida xisbigu khilaafkiisana u maaraynayo, arrimaha siyaasadda dalkana u hogaaminayo,” ayuu yidhi