Waxaynu Maqlayney muddooyinkan dambe Rag ku cusub dhagaheena oo aynaan hore u arag, maalmihii Qadhaadhaa,
Waxa wax lala yaabo ah in maanta Samaale yidhaahdo Xisbiga ayaan Muuse uga soo Horeeyey, macal Asaf
Maanta maydaan wada Muranteen
Adiga iyo Muuse biixi ee Siilaanyo ayaa iskiin soo gaadhsiiyey.
Ninbaa laga sheegayey Aakhirooy kuumaan baahdeene Geeraa ika baday,
Waxa kale oo iyana inagu Cusub oo dhagaheena ku soo dhacaya Aqoonyahan inagu Cusub , oo wax ku soo bartay Hardverst University, Diplomaasi sare oo UN uga soo shaqeeyey Dalalka Isreal. South Sudan iyo Qaar kaloo badsn,
Runtii Maxamed Biixi younis Wali ixtiraam wayn ayaanu kuu haynaa
Laakiin Dalka iyo Dadkaba Aqoon badan ayaa kuugu dhiman,
Waxanoo Durbaano ah iyo Hadalada Salaadiintan Hellow Cashka ahna ha wada qaadan.Somalidu waxay tidhaahdaa GARBA DIIRI NIN DAGUUGAN MA WEYDO
Waxa tusaale kuugu filan jidka uu Qaaday C/casiis Maxamed Samaale oo Kulmiye kaaga Soo horeeyey
Horaa loo yidhi Ciir Hawiye Ciyaar laguma Cabo,
Waxa loo baahanyahay Taxadar iyo in aad dhankasta wax ka eegtid, haday tahay Dhinaca Midnimada iyo wada jirka reerka, iyo haday tahay Muj muuse iyo dhibta uu u soo maray Xisbiga,
Kuraastan Wasiirnimo ee adiga iyo Qayrkaaba aad maanta ku fadhidaan Sahal kumay iman ee ragbaa dhibaato u soo Maray, Uu Muuse Biixi ka Mid yahay,
Dheefteediina Idinka ayaa ku raaxaysanaya, Somalidu waxay ku maahmaahdaa Libaax laba raqood lagama wada kiciyo, Muuse Wasiir muu Waayine wuxu ka doorbiday in uu helo waxay rag isku ogaayeen,
Hadaba Maanta Adiga ayey talo ku joogtaa hadaad Maxamed Biixi tahay, haddii kale Jidkii Wadaadku Qaaday iyo Calool xumo aad tolkaa u qaado labadaba Filo
By Mustafa Sh Abibakar Hussen
Togwajaale Tel 0634466752
Published: