Published:

Qoraaladda laga soo Qaaday ayay Wararka u Dhuun Daloolaa sheegayaan inay u badan yihiin Kharashaadkii ay Xukuumaddu ka isticmaashay Haamaha, kuwaas oo aan lagu aamini Karin Maareeyaha cusub

Berbera(GNOdownload (9)) warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in shalay xafiiska Maareeyaha Haamaha Shiidaalka Berbera laga qaatay qoraalo iyo sirro Maareeyihii hore kaga tagay, kadib markii dhawaan la magacaabay Maareeye cusub.

Lama oga qoraalada laga qaatay Haamaha Shiidaalka Berbera, hase yeeshee wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya inay ahaayeen qoraaladdii Maareeyaha hore iyo masuuliyiinta xukuumadda Dhexe isweydaarsan jireen.

Iluhu waxay sheegayaan in sadexdii cisho ee ugu dabaysay maareeyaha cusub laga dalbanayey in uu qoraaladaasi soo gudbiyo, balse markii uu ka cago-jiiday Amar lagaga soo qaaday.

Qoraaladda laga soo qaaday ayay wararka u dhuun daloolaa sheegayaan inay u badan yihiin kharashaadkii ay Xukuumaddu ka isticmaashay Haamaha, kuwaas oo aan lagu aamini Karin Maareeyaha cusub.

Wareejinta Haamaha Shiidaalka ayaa laga cabsi qabaa in ay ka soo baxaan xogo dheeraad ah oo ku dahsoonaa qaabka ay xukuumaddu u isticmaali jirtay dhaqaalihii ka soo bixi jiray oo uu maamuli jiray maareeyihii hore.

News Related