“ Haddii Siistamkii Sixmi Waayay Anagoo Gudaha Ugu Jira Waxaanu Jeclaanay Inaanu Dibadda kuwada Ciyaarno Laakiin Kubaddiiba Nin Baa Yidhi Gacantaan Ku Dhalinayaa,” Xirsi
“Waxaan arkayay runtii ama garaadkoodu ha siiyo ama cidiba ha gujaysee saaxadda ka lahaa dawladday inqilaabeen iyo way duminayaan. Xaasha miyaad nagu maqasheen wax dawladda aanu dhib ugu gaysanayno? Miyaad nagu aragteen wax ficil ah oo aanu dawladda dhib ugu gaysanayno? Imikana idiinma wadno, idinkana waxaanu idin leenahay iska ilaaliya wixii dalkeena iyo dawladeena dhibaya. Waxaa waxinqilaaba ninka awoodda u soo ordaya ee ninka ka tagayaa ma inqilaabo..
Tusaale ahaan, aniga waxaa la igu xaman jiray waa gacanta midig oo meeshaba waa ninka gacanta ku haya..haddaan doonaya inaan inqilaabo maan intaa in ka duwan sameeyo ilayn inqilaabka waa la yaqaane, ma anigoo gacanta ku haya ayaan aayar banaanka u bixi lahaa oon odhan lahaa waan iscasilay..”
Wasiirkii hore ee madaxtooyada ayaa kulan uu qaybaha bulshada kula yeeshay Burco weedhahaasi ka sheegay, wuxuuna u bayaamiyay aragtidoodii iscasilaadda iyo waxyaabo kale oo ku gadaaman siyaasadooda.
–