Published:

Hadaan nahay qurba joogta ka soo jeeda gobolada awdal,salal iyo ganiley waxaan u aragnaa in xagla toosiye ay dabada rag ka soo riixayaan ku waasoo ah beesha dhexe hadaba waxaan leenahay beesha dhexe hadaad wax la doonaysaan harti iniga ayaa ku fadhiya kuraastii ugu badnayd dalka somaliland ee kuwiina bixiya.

Kursigan yar ee madaxweyne ku xigeenka ee beelaha samaroonba aan u qaybsamayn haddii aad hartina ku tidhaahdaan ku qabsada samaroon waxaan u aragnaa arin qaldan oo sixun aad u soo abaabusheen waxaana fiican isaaqow inaad arintaas ka waantowdaan haddii kale waxaa imandoona burbur soo foodsaara somaliland.

Wasiir xagla toosiye iyo beesha harti waxaa u haboon iney raadsadaan meel kale sida wasiirka arimaha dibada,ka maaliyada,ka arimaha gudaha, iyo gudoomiyaha maxakamada sare ama ka baarlamaanka oo ay hore u lahaan jireen ee maaha iney soo doontaan ka kursiga beesha samaroon oo ah aabihii soo dhisay qarankan somaliland ee maanta nabada ah.

Hadalada ka soo baxaaya dadka qaar ee leh somaliland waa bari iyo galbeed ee kursiga ha loo daayo harti adeer waxaan ini leeyahay isaaqow malaha ma xishootaan maxaad uga hadli laadihiin kuraasta isaaq oo aad uga hadlaysaan kuwa samaroon?

Hartina waxaan leeyahay ayaan inaga la isku geen dhufan ee kuraastiina u doonta isaaqbaa haystee midakale haddii aan midaysanahay kuraasta somaliland oo dhan 55% inaga yaa qaadanlahayn laakiin iniga ayaa xagaa puntland u yaacay.

Wax bari iyo galbeed la yidhaahdaa majiro ee dadku waa qabiilo taasbaana lagu qaybsadaa kuraasta ee kuwa hargaysa ka dhaxsheegaynaya waxaan leenahay hadalkiinu waa hal bacaad lagu lisay.

Hadaan nahay dadka qurba joogta waxaan taageersanahay madaxweyne ku xigeenka qaranka somaliland waxaanan kalsooni buuxda ku qabnaa inuu ku guulaysan doono kursiga in shaalaah.

Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels.

News Related