Published:

Ciyaartii Alcalasico ee u dhaxaysay Real Madrid iyo Bsrcelona oo Caawa siwayn loogu ceebeeay RealMadrid Kadib markii 4 IYO  0 lagu garaaacay Real Madrid

2279122_heroaCiyaarta adka u xiiso badan ee ay sanadkasta dhemarta Realmadrid iyo Barcelona laba jeer ,dadka kubada xiiseeyaan ayna marna ka maqnaanjn inay daawadaan ciyaartaasi, ayaa caawa lahayd xiiso gaar ah,iyadoo aduunka oo dhan dadka xiiseeya ay Saacado ka hor sii horfadhiisteen shaanshada Tvyada si aanay marna u seegin ciyaartan Xamaasada badan ee Alcalasico.

 

Tvyada caalamka ayaa siwayn ula socda ciyaarana kana sameeya maalintaasi kaliya Malaayiin Dollar iyadoo Xayaysiisyada ciyaartan ka hor iyo dhexdeedaba la siidayo ay ka faaiidan aduunyo aan la qiyaasi karin.

Ciyaartan oo ay labada kooxoodba ay isku eryanayaan Horyalka La liga  oo Sadex dhibcood kaliya ay Barcelona ka horayso kooxda kale ee RealMadrid, waxaana kaliya ciyaarta la sheegi karaa  Laacibka Barcelona ee Leo Messi oo ciyaarta aan lagu bilaabin.

39 neymer 53 inista 11,74 suarez

Ugu horayn waxaa  ciyaarta gacan ku haynteeda si wayn ula wareegay Kooxda Barcelona oo baasas gaabaaban ku hantiday kubad haynta ciyaarta, ugu horynba waxa goolkoodii i ugu horeeyay la yimid  Kooxda Barcelona  daqiiqadii 11aad waxaa u saxeexay laacibka Louis Suares, iyadoo daqiiqadii 39 aad uu laacibka caawa la celin waayay Neymar uu u saxeexay  waxaana ciyaarta qaybtii hore lagu kala nastay  2 iyo iyo 0 oo  ay ku hogaaminayso Barcelona   kooxda kale Real Madird.

 

Markii layskugu soo laabtay ciyaartii labaad  ayaa Real Madrid  soo qaaday weeeraro isdaba joog ah waxaana si wayn iskaga difaacay  Difaaca Kooxda Barcelona oo uu horseedka ahaa goolhaya  Barcelna Baravo oo ka qabtay tiraba laba jeer oo Laacibka Christiano Ronaldo.

Daqiiqadii 53aad ayaa baas aad u qurux badan cidhib  Nemybar ugu dhiibay Iniesta  kadibna uu shabaqa ku hubsaday Iniesta waana goolkii ugu qurux badnaa ee indawaydba la kala dhaliyey  .

Ciyaarta waxa isna ugu danbayn kusoo khatimey niyadana ka jabiyey kooxda Real Madrid  Louis Suares oo caawa la yimid goolkii labaad daqiiqadii 74aad, waxaana si wayn isku dhiibay Real Madrid oo caawa ciyaar fiican aan soo bandhigin, ciyaartuna waxay ku soo aroortay 4 iyo  0 ay Barcelona  la timid.

News Related