Published:

Boorama(GNO)Aqoon yahan Cabdirashiid Xasan Mataan oo dhawaan iska casilay musharaxa madaxweyne xigeenka Ucid, ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Boorama. Socdaalkiisa ayaa la xidhiidha socdaal uu hore u sheegay inuu la tashi samayn doono dadka taageersanaa.

Cabdirashiid ayaa dadkii soo dhaweeyay ku dardaaray inuu kula dadaali doono sidii aan codkoodu meel khasaarisa ugu dhici lahayn. Waxa uu sheegay in halgankiisa horumar doonka iyo hirgalinta dimuqraadiyadda sii wadi doono, islamarkaana uu hadda la tashan doono dadkii taageersanaa.

Cabdirashiid ayaa sheegay inuu xisbiga Ucid uga baxay markii uu la shaqayn kari waayay Faysal Cali Waraab, sidoo kalena ay kala aragti noqdeen Jamaal Cali Xuseen oo musharaxa xisbiga ah. Wuxuu ka digay burbur ku soo foolleh Ucid.

 

News Related