Published:

Laga soo bilaabo 1991 burburkii ku habsadey umadeena ee ah dagaaladii sokeeye baxaa baaba.ay wixii la odhanjirey danta guud ee ay umadi wadalahayd sida wadooyinkii oo maanta cid walba ay dhisaneyso, iskooladii oo lamid noqdey, meelihii caruurtu ku ciyaari lahayd,dhulkii dhaqtarada laga dhisi lahaa,iyo dhulkii xarumaha booliiska laga dhisi lahaa dhamaan shacabkiibaa dhistey qrshe cad oo ay dawladu kaga hortegeysana ma muuqato imika.

Burburkii dhacay waxaa dayacmay dantii guud ee wadankeena tusaale dhulkii dadweynuhu lahaa ama “puplic sector” waxay wada noqseen in lawada bililiqaystey aan loona tudhin sida garoomada,iskuulada,cisbitaalada,dhismayaasha wasaaradaha,ama guryihii dawladu ay lahaan jirtey.

Hadaba waxaa is weydiin leh maxaa lagaga maarmi karaa markay dantii guud luntey ama ay dayacantey jiilka hada iyo kuwa soo socdaaba ama soo korayaaba ma heli doonaan meelo ay ku ciyaaraan? Kuna tababartaan ama ay ka helaan adeegii bulshada ay xaqa u lahaayeen .

Arintaasina haddii ay xukumadu ka hortegi weydo waa arin dhibaatadeeda is ka lehbulshadana wada saameyn doonta musdaqbal koodana dhib ku ah sidaasi darteed waa iney xukumadu imika talaabo deg deg ah ka qaadaa waayo? Waa dantii umadan waa dantii kuwa dhalan doona hadii alle idmo waa arin muhiim ah in hawshaa lagalo.

Shacabka reer somaliland waxaan leeyahay waar is ka daaya danta guud ee aad dhisaneysaan si loo helo dhul banaan oo caruuteenu ku ciyaaraan arintaasi ha dhayal sanina.

Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels.

News Related