In dhawaalaba waxa dhagaha umada iyo shacbiga ku soo dhacayey
heerka iyo culayka uu yeelanyey ama u yeeshay, tartankii loogu cumaamaday
Mujaahid Muse Bixi Abdi,
Hore ayaa loo yidhi siyaasadu saaxiib joogta ah malaha, waanay
guurguurtaa, oo galinba meel ayey ka fodkicisaa,
waxaad mooda markaad dadka indho indhayso ee dhagaysato
cudkooda iyo aragiyaha ay ka bixinayaan, kolba waaqiciga markaas taagan
iyaga oo siyaabo kala gadisan uga fal celinaya,
ku darsoo kuma jirto , aragti fog oo la odoroso, si xeel dheer u ku qotonta
isbadalada ka dhacaya dunidan aynu dacalka kaga noolney,
Way dhacdaa oo shalayba meel ayaa lo wada ridayey maantana nin waliba
meel ayuu ka fudh yidhi, xirsi oo aynu ogaynba waa kaas maanta buulka yaala
waabu ladanyey hadii aanay inantii uu barigii iska xidhay midi laabta ka galin intuu
qayl-qaylinayeye,
Xusbul xaalkinkii Kulmiyey waxa uu u kala baxay laba qaybood
A-Booli qaran
B- Badbaado qaran
Booli qaran ugumay talo galin in u qarankani saacad sii dhisnaado, laakii waa aragtidooda, gaaban een meelna gaadhsiisnayn,
KASKOODABA MAY GALIN ODAYBAA HAWSHA KALA TUURI
Umalayn maayo in ay dadku u baahanyiin , faalo kale oo aan ka sii bixiyo
iyo in ay ku aamini lahaayey dadka noocaas ah dalka dhiiga iyo halganka
loo soo galay ee curadada loo waawey, kuwana u cuuryaameen, qaarna
maryaha u dhigeen,
in uun hadi ay dalka lexejeclo ka leeyiin may sameeyeen noocay sameeyeen
macnaheedu waa dawlad ma jirto, dalna ma jiro
Waxay ahayd in la sameeyo baadhitaan culus oo lagu sugayo u jeedada ka dambaysay
iyo waxa ku kalifay, maalkan ay ku tumanayaan ee ay habeen walba ay xaflada ku qabayaana
in lala xisaabtamo , oo odhad la galiyo , si ay ugu noqoto kuwa dambe ee farta ku gabanaya
waxaba la sheegayaa qaar baroor la baxay markii mujaahidka loo doortay murasha
madaxweyne ee xusbul xaakinka kulmiyey, una qaadan waayey kana dagi wayday
Libaax nin ganay iyo galaday labadaba kala og.
Badbaado qaran waxaan ku tilmaami kara inta tudhay ee dadkooda iyo dalkoodaba uga
tudhay ceebta iyo cadawgaba, gartayna inta ay garan waayeyn dadka afka taagaya ee
kaligood ninka isu haysta, hadi lagu ridana dhabarka toosinaysa,
Maan jeclayn in aan ku sii tiigaalo waayo waa ciidan jabay
islaantii maxay tidhi ( HOOYO CIGAALAW COL HORTII JABAY):
Mujaahidka indhahaba way siin waayeen oo ku dhici waaye
halkuu fadhiyey in ay soo garab fadhiistaan oo ay la tartamaan
ileen waa kuwii dadkoodhan haystee, 280 qof ayaanu haysana
meelahaas ka shubaye , may yimaadaan hadii aanay xeelad kale jiri
Maxaa sacabka habeenkii loo tumaa , hadii aanay xeeladi ku jirin
Huteladaba waad ku shirayseene maad timaadaan shirka haloo wada joogee
macal mune muuqan doonaa, ayey noqon lahayde.
Asxaabtayda waxaan rabay in aan la yara qaato faalo iyo saadaasha
2017 iyo sida ay u eekaan doonto J/S/Land doorashada fooda inagu soo haysa
Waxa cad oo marag ma doon ah in uu Mujaahidku banaan ka qaadan doono
jagada madaxweyne doorashada fooda inagu soo haysa
sababtuna waa tan
Waxa jira Sadex xusbi Qaran, Kulmiye, Ucid, Wadani
Kulmiye waxa ka sharaxan Mujaahidka Muse Bixii Abdi
Ucidna Jamaal Ali Huseen
Wadanina wali lama hayo , falaadhii cirka loo ganay cidwaleyba filo
Wadani :
1-Ilaa hada lama hayo ama ma cada cida ka sharaxan,manay qabsan shirkii golaha dhexe
ee lagu dooranayey murasha iyo murash xigeenka madxweynaha.
2-Waxa ku kulmay oo buux dhaafiyey aqoonyahan iyo siyaasi damac leh oo dhan
waxaynu ka dheregsanay in loo dhex joogo uun axsaabta in mansab lagu gaadho
mandiqa ama maskaxda fayaw , diidi mayso in raga isku gurayaa ay cibaado ugu
tageene , waynu garanaynaa in ay ciil iyo cadho darteed ay u qabaan axsaabta kale
ay ugu biireen wadani si ay u gaadhaan damacooda siyaasiga ah, sidaa daraaded
aanu ragna damac iyo dacari ka dhamaan.
3-Waxaynu ka dheregsanay in Muumin Seed la dul keenay inaadeerkii iyo qaarkaloo badan
Cirana waxa la sheegayaa in ay reerku la hadleen oo ay ku yidhaahdeen hebel u banee
Rag badana carabka lagu hayo in ay ku socdaan isla kursiga ciro.
4- Waxa socda wada hadal ay kula jiraan qoladii haakah sugayaasha ahayd
ee ka soo carartay Mujaahidku mr. Ciro,
ilaa hadana la isku mari layey waxa lakala iibsanayo;
4- Waxa la sugaaba qaraxa Wadani waa inta uu iska casilayo jagada gudoomiyaha
Baarlamaanka, iyada o uu noqday tiirka laga fujin kari layey ee uu qabsaday,
si fududna tiinka loo jiidhsiin doono
WADA HADALBA HAADKAAS BAA KA HADHAY
UCID :
1- Faysal waa waayo arag ruug cadaa ah oo in badan ku soo jiray saaxada siyaasada
iyo is badbadka wakhtiga iyo hadba guuro bahalaynta , waxaynu odhan karnaa
uu badbaadin karaa xusbigiisa, waxba yaanu ku guulaysane.
2-Jamaal waa aqoon yahan laakiin lama gaadhin xiligiisa, waxa u hadhay shaqo
badan iyo waayo aragnimo , dadka ah si u ula jaan qaado shacbigiisa, waxa uu u baahan
yey wakhti ka badan kan uu joogo iminka, hadii aan si kale u dhigo
inta ay umadu bislaaanyso ee ay ka korayso aafada ragaadisay ee goobtaas dhigtay
cudurka aan waxna dilin , waxna doorin ee lagu ibtileeyey somalida.
3-Hadii aan si kale u dhigo hadalkayga jamaal waxa u ka soo jeedaa Barbara
isaga oo ka sharaxan UCID reer ahaana ah S.A
Halka dhigiisa kalena ka soo jeedo Gabiiley kana sharaxanayey KULMIYE
reer ahaana yahay isla S.A
Waxa jirtay in waa hore ay galeen labada reer ee ay labada nin ka kala sharaxanyiin
doorashadii sagaashaneeyihii, shirkii Boorma laguna heshiiyey in maanta loo daayo
nin ka soo jeeday deegaanka Berbara una tanaasulo , ninkale oo la tartamayey kana
joodey gobolka Gabiiley, sidiina la isku waafaqay,
waad dareemi kartaa , nin dayn la amaahiyey waxa ku waajibka ah in uu soo celiyo uun
Markaas waa XEERKAAS GUUR.
5- Faysal markaas waxa ka goan in uu diyaariyo cidii xusbiga badbaadin lahayd
waa in uu raadiyaa cid u ku badalo mr.jamaal
NIN WEYNA TAG LAMA YIDHAA WAX U KU TAGO AYAA LA TUSAA
halkaas waxaan ku soo guneyey aragtidaydii iyo markaan daraasadeeyey
waa qiciga iyo waxii ina soo maray, in badana aan arkay intaan jiray
isbadalada iyo laba kaclaynta ka dhaca cariga eebe inagu uumay
JAMAL JAMA HIRSI (DHANCADE)