Published:

YUSUF BUDLE: Aqoonsiga Somaliland carqalada ugu weyn ee hortaagani waa magaca ay la baxday ee ah “Somali-Land” ama “Dhulkii-Soomaaliyeed”

Magaca cusub ee aan Somaliland u bixin lahaa waa:

REPUBLIC OF HORN OF AFRICA

 

Saleebaan Cabdi Cali, Kalshaale

Gobonimo News- Hargeysa

 

 

Siyaasi/aqoonyahan Yusuf Budle oo hore u ahaan jiray Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Xisbiga UCID, haatana ah Gudoomiyaha Xisbi-mustaqbaleedka National Unity & Reform Party (NURP), oo xaruntiisu tahay dalka Maraykanka ayaa ka dhawaajiyay in carqalada ugu weyn ee uu kala kulmay u ololaynta aqoonsi raadiska ee Somaliland uu yahay magaca ay Somaliland sidato ee ah “Somali-Land” ama “Dhulkii-Soomaalida”. Yusuf Budle waxa uu sheegay la bixida magaca ay ku jirto “Somali”, adigoo raba in aad ka madax banaanaato Somaliya ay tahay mid aad iyo aad u qaldan, isla markaana ay ahayd mid aqoon daro badani ka muuqatay.

 

Yusuf Budle waxa uu ku dooday in taariikhiyan, aanay jirin wax la yidhaa Somaliland oo u gaar ahayd dalka haatan loo yaqaano Somaliland. Waxa jiray: British Somaliland iyo Italian Somaliland iyo French Somaliland, iwm. Dadka reer Somaliland meel ay ka keeneen in Somaliland la odhan jiray intii Ingiriisku gumaysan jiray ma aqaan, ayuu yidhi Yusuf Budle.

 

Mar su’aal aan ka weydiiyey Mudane Yusuf Budle sida uu u arko meesha ay marayso aqoonsi u raadintii Somaliland waxa uu ku jawaabay: Somaliland aqoonsi raadinteeda waxaa hortaagan dhawr qodob oo isdul fuushan. (1) Magacan Somaliland oo ah mid aad iyo aad u qaldan, meeshii laga bilaabi lahaa aqoonsi raadintana xidhay: Magacanu waxa uu la mid yahay nin yidhaahda magacaygii hore oo ahaa Cabdi ayaan iska bedelayaa, qofka iigu yeedhana waan la dhagaalamayaa, maanta wixii ka dambeeyana magacayga cusubi waa “Cabdi-Jecle”, Illayn Somali-land waxa ay u taagan tahay “ Dhulkii-Soomaalida”, hadana waxa aan leenahay Somaliya ha noogu yeedhina. Bal idinku caqligaas eega oo caadifada iyo xamaasada iska saara oo ii sheega waxa ka qaldan, ayuu yidhi Yusuf. (2) Xataa Calankan Somaliland ee tawxiidku ku dheehan yahay ee aadka u quruxda badan waxa aan garan waayay waxan dhex dhigay “xidigta”. Xidigtu ha cadaato sida Somaliya, ha casaato sida Djibouiti, midabkay doonto ha yeelato sida calamada Puntland, Jubooyinka, iwm waa astaan ku saabsan shantii Soomaaliyeed. Somaliland wax ka galay ma garanayo xidigtaas ee dhexda u dhigay calankaas aan maalin walba arkayno. Xidigtaasu waxa ay ka dhigan tahay nin gabadh/xaas uu furay sawirkeeda inta uu guriga sudhay, hadana wajigeeda madoobeeyey oo yidhi waan ku xumaynayaa…..Haddii uu run ahaan furay oo ay ka dhab tahay sawirkeeda iyo xusuusteedaba in uu meesha soo dhigaba may ahayn ee in uu sideeda ku ilaabo ayay ahayd. Maahmaah ayaa tidhaahda: Kab iyo Xaarkeedba waa la isku tuuraa ana waxaan laa’ahay Somali iyo Xidigteedba waa in aan isku tuurnaa. (3) Xukuumadihii iskaga dambeeyey Somaliland oo aan odhan karo awood buuxda ma aanay saarin aqoonsi raadinta madaxbanaanida Somaliland, waayo waxa aan taas u le’ahay, xukuumaddii Cigaal ilaahay ha u naxariistee, tii Riyaale ee ku xigtay iyo tan manta ee uu Siilaanyo gadhwadeenka ka yahayba miisaaniyada Wasaarada Arrimaha Dibadu waxa ay mar walba ahayd 1% keliya iyo wax kasii yar. Tusaale ahaan hadda miisaaniyada xukuumadan hadda jirta waxa lagu sheegay in ay tahay $250 Million, miisaaniyada Wasaarada Arrimaha dibedda ee haatana waa $2 Million. Taas waxa ay macnaheedu tahay in ay tahay 0.8% (ama wax ka yar 1%). Waa adiga oo yidhaahda waxaan rabaa in ilmahaygu wax barto, hadana uma ogoli in aan ku bixiyo waxbarashadiisa wax ka badan $2/bishii, laakiin waxa aan ku bixinayaa $400.00/bishii casumadaha iyo soo dhawaynta asxaabtayda qaaliga ah. Hadana hadhoow yidhaahda toloow kaygan yar maxuu iskuulka dhibco fiican u keeni laayahay. Jawaabteedu dee waxa ay noqonaysaa adaa lacagtii ku farashay asxaabta iyo casumaadahee ilmahaaga ha eersan isagu waxba muu samayn oo xataa buugta kamaad haqab tirine. Taas waxaan uga jeedaa, marka miisaaniyada Ciidamadu noqoto $75,000,000, Miisaaniyada Illaalada madaxtooyada oo ka kooban 320 askari ay noqoto $2.2 Millions, Miisaaniyada hey’ada abaabul kasaarka oo shaqadeeda ugu weyni tahay in ay soo xero geliso odayaasha qabqablayaasha ah ee beelaha cidhifyadu ay tahay ilaa $2 Million, waxa aad ii sheegta sida ay Somaliland daacad uga tahay in ay aqoonsi dhab ah u xadhko xidhato.

 

Yusuf Budle waxa uu ka sheekeeyey dhacdo ku dhacday mar ay booqdeen nin Senator Maraykan ah, iyaga oo ka kooban koox ay ka mid yihiin, isaga oo Yusuf Budle ah, Musharaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen iyo Wasiir ku xigeen hadda ee Wasaarada Arrimaha Dibeda Axmed-Keyse (Keyse Guray), iyaga oo markaas wada ahaa hogaanka sare ee Xisbiga UCID. Yusuf waxa uu ku tilmaamay in dhacdadaasu ay wax badan ka bedeshay aragtidiisa aqoonsi raadinta ee S/land iyo jidka ay Somaliland u marayso oo magacu yahay Carqalada ugu weyn.

 

Weraysigan oo ahaa mid cod ah/tilifoon ah oo aan kaga  qaaday aqoonyahan Yusuf Budle ayaa waxa aan ugu dambeytii weydiiyey haddiiba uu awood u lahaan lahaa in uu magac cusub u bixiyo dalkan haatan loo yaqaano Somaliland magaca uu u bixin lahaa, waxana uu ku jawaabay: Magacyo badan oo suurto gal ah ayaa jira, laakiin kolay anigu waxa aan u bixin lahaa magac inaga soconaya, aan cidna xumaynayn, cidna sheeganayn, kuna salaysan deegaankeena dhabta ah, magacaasuna waa: Republic of Horn of Africa.

Waxa kale oo uu sheegay in waxyaabaha ugu horeeya ee xisbigiisu ka bedelidoono Somaliland ay ka mid yihiin, magaca Somaliland, xidigta oo laga gooyo calanka Somaliland, in ay meel marindoonaan qodobka dastuuriga ah ee laga dul booday ee ah in qof dhalasho shisheeye sitaa aanu dalka ka noqon karin Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen, in gobol kastaa yeesho 50% faa’iidada kasoo baxda hantida dabiiciga ah ee uu ilaahay siiyay gobolkaasu, sida batroolka, saliida, macdanta, dekedaha, iwm., oo aanay sax ahayn sida imika lagu dhaqmo ee ah in dawlada dhexe leedahay 93.6% faa’iido kasta oo kasoo baxda deegaan kasta oo dalka ka mid ah, taas oo keentay in xataa batroolkii iyo macdanihii dalka laga qodi lahaa ay is hortaagaan dadkii deegaankaas lahaa maadaama aanay wax faa’iido ahi ugu jirin dadkii deegaankaas lahaa.

 

Xusuus:Waraysigan oo cod ah dhawaan kala soco saxaafada madaxa banaan.

News Related