Hargeysa: Muuse Biixi Oo Maqaaxi U Shaah Tagay + Dhalinyaro Su’aalo iyo Sawiro La Boobtay + Jawigii Goobta.
Guddoomiyaha Xisbiga Talada Dalka Haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa markii ugu horeysay in dhawaale lagu arkay mid ka mid ah maqaaxiyaha ay dhalinyaradu ku caweyso oo ku taala xaafada Biyo dhacay ee Waqooyiga Magaaladda Hargeysa.
Guddoomiyaha oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa ka soo dul degay dhalinyaro ku dul sheekaysanaysa qaxwaha, waxaanay mar keliya la boobeen salaanta.
Muuse Biixi cabdi ayaa kaftan dabadii la fadhiistay dhalinyaradaasi, waxaanu kala sheekaystay haasaawe guud iyo waliba guud mar ku saabsan noloshooda.
Dhalinyaradii goobta ku sugnayd ayaa la boobay guddoomiyaha salaan, sawiro iyo su’aalo ku saabsan hankiisa, waxaanu uga sheekeeyay marxalada dalku uu marayo, wixii loo soo maray iyo hankiisa.
Guddoomiyaha Kulmiye oo dhinaca kalena ah murashaxa Jagada Madaxtinimada ee Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa ayaa hoga Tusaaleeyay Dhalinyaradii uu la qaxweeyay neecawda, nabada iyo Naruurada ay Reer Somaliland ku naaloonayaan, waxaanu uga digay in ay dhulkooda ku doorsadaan degalada shisheeye.
Waxa kale oo uu Muuse Biixi Cabdi dhalinyaradaasi ku booriyay in ay ka koraan qabyaalada isla markaana ay beegsadaan sidii ay dalkooda iyo dadkoodaba u horumarin lahaayeen.
Jawiga caawa oo Hargeysa ahaa mid degan ayaa ugu soo gabogaboobay farxad iyo rayn rayn.