Published:

.

 

xirsiHargaisa(Waaheen) in kasta oo maalmihii u danbeeyay,ba ay iska soo daba dhacayeen wararka sheegaya in garabkii is bahaystay ee xisbiga kulmiye ku biirayaan xisbiga mucaaradka ah ee ucid,  ayaa waxaa soo if baxday xog laga helay dhinaca gudoomiyaha xisbiga ucid eng faysal cali waraabe, oo sheegaya in heshiis qarsoodiya uu magaalada burco kula saxeexday siyaasiyiinta Xirsi cali xaaji xasan, cabdicasiis maxamed samaale iyo maxamed biixi yoonis, gudoomiyaha iyo sadexdan siyaasi ee dibad wareega ka ah xisbigii iyo xukuumaday hore uga wada tirsanaan jireen ayaa sheegaya, in la isla af gartay in siyaasiyiintani bixiyaan lacag gaadhaysa 4 milion oo dollar oo uu gudoomiyihu sheegy in loo baahanyahay in dib loogu soo nooleeyo xisbiga ucid oo uu eng faysal aaminsanyahay inuu saaxadii ka baxay, wasiirkii hore ee madaxtooyada xirsi cali xaaji xasan oo isagu gudoominayay kulanka ayaa sheegay inay balan qaadayaan inay lacagtaasi bixiyaan isla xiliga gudoomiye faysal goosto, gudoomiye faysal cali waraabe ayay wararku intaasi ku darayaan inuu isbahaysiga hor dhigay 12 qodob oo uu doonayo inay kula shaqeeyaa, taas oo ay ka mid tahay inay ka dhex tartamaan golaha dhexe ee xisbiga ucid uu isna gacan ku siin doono sidii ay u soo bixi lahaayeen, inkasta oo aanay wararku si toosa daaha uga qaadin in ku xigeenka uu si rasmiya ugu tartami doono dr saleebaan ciise axmed xaglo-toosiye,  hadana waxaa la sheegay in la isla soo qaaday, garabkii isbahaystay ee xisbiga kulmiye ayaa todobaadkan si isdaba jooga oo qarsoodiya ugu noqnoqonayay magaalada burco, iyadoo ugu danbayn la gadhay heshiis hor dhaca oo mustaqbalka lagu sheegay inuu noqon karo mid rasmiya.

labada musharax ee xisbigaasi u tarmayay iyo gudoomiyohooda ayaa iyaguna  mudoba laba jeer isugu yimi kulan ay ku doonayeen musharixiintu in laysku af garto kulankaasi, oo marna balan ku soo dhamaaday markii labaadna lagu kala kacay taas oo keentay in musharixii madaxweyne ku xgeenka xisbaasi, c/rashiid xasan mataan uu si rasmiya ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii iyo xubinadiisii xisbiga u cid kuna sababeeyay burbur ay qayb ka yihiin siyaasiyiintii xisbiga kulmiye ee ay kala aragtida duwanaayeen, jamaal cali xuseen ayaa isna bil ka hor isagoo ku sugan magaalada dubai ee dalka isu taga imaaraadka carbta canbaarayn iyo fariin hanjabaada hawada u soo mariyay gudoomihiisa xisbiga ee faysal cali waraabe.

dhinaca kalena gudoomiye faysal cali waraabe oo isagu  warbaahinta la hadlay ayaa hore u sheegay in xisbiga ucid uu ku soo dhaweynayo cid walba oo uu u arko in dalka iyo dadkaba ay dan u tahay,

inkasta oo ugu danbayn uu soo af jarmay xisbiga kulmiye iyo loolankiisii, hadana waxaa iyana iska soo daba dhacaya khilaafaadka dhexdooda ah ee labada cisbi mucaarad ee somaliland.

dad badan ayaa aaminsan in xisbiga u cid guul darooyinkii uu hore u caadaystay mid la mida uu la kulmi doono haduu soo dhaweeyo siyaasiyiinta laba gar daaqa ah ee soo dhamaystay taladii shantii sanno ee xisbiga kulmiye welina u ordaya inay shan kale talada dalka maamushaan,

bulshada somaliland oo hore ay minfirifoonka ula dhex qaadeen telefishanada somaliland ayaa iyagu soo dhaweeyay go’aankii aqbalaada ahayd ee uu madaxweyne siilaanyo badheedhihiisa kaga dhiibtay Wasiiradii is casilay.

News Related