Published:

Mudaharaadkii ugu balaadhnaa abid ka dhacay djibouti oo ay soo abaabuleen xisbiyada macaaradka USN Ta oo maanta ka dhacay dalka djibouti. By maxamed jeex

Sida ku cada sawirada ayaa maanta waxaa iskugu soo baxay shacabkii reer djibouti oo doonaaya dumuqraadiya iney ka dhacdo dalkooda ayaa waxaa isku soo baxay boqolaalkun oo qof oo doonaaya isbadal inuu ka dhaco dalkooda hooyo.

Hadaba ururka USN Ta djibouti maanta waxay muujiyeen awoodooda shacab ee ay haystaan taasoo maanta ka yaabisay caalamka dadkaa farahabadan ee isku soo baxay iyo xadigooda oo laga yaabay inta ay leegyihiin shacabka is badaldoonka ah ee reer djibouti.

Sida uu sheegay mohamed ahmed abdilahi (mohamed bos)Mudaharaadkaas maanta gigilay magaalada djibouti waxay muujinaysaa in shacabka reer djibouti ay rabaan is badal doon ku dhisan cadaalad iyo sinaan .

Dadkaas maanta soo baxay oo u badan dhalinyaro waxay doonayaan dumuqraadiyad sinaan,cadaalad iyo doorasho xor iyo xalaal ah intaas ayey doonayeen umada intaas leeg ee isku soo baxadey waxa ku dhawaaqyeen hadalkaasoo qudha ayuu ahaa.

Wararka naga soo gaadhaaya magaalada djibouti waxay intaas ku dareen iney sii socondonaan mudaharaadku ilaa inta uu aqbalaayo madaxweyne geele (ceni) ama komishan xor ah oo ilaaliya doorashada sida uu mohamed sheegay

Sidaasi darteed masuul sare oo magaciisa layidhaahdo mohamed Ahmed Abdilahi (mohamed boos )oo degan dalka Belgium oo aanu ka waraysanay mudaharaadkan balaadhan ee maanta ka dhacay dalka djibouti ayaa noo cadeeyey inuu sii socon doono mudaharaadku ilaa inta dalka djibouti uu noqonaayo dal dumuqraadi ah oo qofkasta oo muwaadin reer djibouti ah uu ku noolaado si xor ah oo madaxbanaan .

Masuulkaas sare oo hadalkiisa sii wataa wuxuu noo sheegay in shacabka reer djibouti ay taageersan yihiin boqolkiiba 90% ururka ku bahoobay dalada USN ta aanan haysano aqlibiyada shacabka reer djibouti.

Mohamed ahmed abdilahi( mohamed bos) oo aan maanta ku booqanay xafiiskiisa uu ku leeyahay magaalad brussels ayaa wuxuu nooga waramay guulo badan oo ay soo hooyeen macaaradku kuwaas oo sii socondoona ilaa inta uu dhacaayo rajiimku.

Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels.

News Related