Published:

2015-11-01 03.31.02

 

Mönchengladbach (GNO)-Murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa kulan la qaatay jaaliyada Somaliland ee Ku dhaqan dalka jarmalka.

Munaasibad si aad ah loo agaasimay oo lagusoo dhaweynayay murashaxa Madaxweynenimo ee xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Qabsoontay Magaalada Mönchengladbach, Waxa kasoo qaybgalay taageerayaasha xisbiga ucid ee dalka Germany iyo Gudoomiyeyaasha xisbiga Ucid ee wadamada Yurub sida UK , France , Talyaniga, Norwey iyo wadamo kale, waxa kale oo xusid mudnayd in xaflada darteed ay dadka qaar uga soo safreen wadamo ka baxsan dalka Germany.

Odayaal dhaqameedyo, culimo, aqoonyahan Iyo dhalinyaraba waxay madashu ahayd goob kulmisay.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Germany Jaamac Xandule oo madasha ugu horayn ka hadlay ayaa umahadnaqay dhamaan bulshada kasoo qaybgashay madasha waxaanu si diiran usoo dhaweeyay murashax Jamaal Cali Xuseen..

Geesta kale waxa uu kawaramay iskuxidhnaanta xisbiga ee Dhamaanba Gobolada dalka Germany , isaga oo bulshada ku dhiirigaliyay in ay codkooda la garab istaagaan aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo ah buu yidhi shaqsi lagu halayn karo dalka oo u taagan horumarka wadankeena…

Gud xigeenka Xisbiga Ucid laantiisa Germany Axmed Xaaji Nuur ayaa dhalinyarada ku booriyay in ay horsed ka noqdaan dhawrista dhaxalkii ay awawyaashood uga tageen islamarkaan ay la xisaabtamaan madaxda wadanka, wuxu sheegay in la wada arkay sida uu hadalka u dhigay horshihii kulmiye sidaa darteedna ay dadku wakhtigan garab istaagaan xisbiga ucid oo ay u hiiliyaan Cadaalada Iyo Daryeelka.

Mr Axmed Wuxu u mahadnaqay shaqsiyaadkii sida wanaagsan usoo abaabulay munaasibadan, waxa kale oo uu aqoonyahan Jamaal usoo jeediyay in uu fiiragaara u yeesho dhalinyarada Germany,

 

Cabdirisaaq ibraahim Ahmed oo ah gudoomiyaha abaabulka Xisbiga Ucid ee UK ayaa tilaamay sida loogu baahan yahay in xisbiga Ucid lala garab istaago Hiil iyo hooba .

Gudomiyaha Faransiiska EE xisbiga Ucid Maxamed Axmed Muuse ayaa sheegay in ay u furan tahay cid walba ka qaybgalka xisbiga ucid , waxaanu ka waramay marxaladihii adkaa ee xisbigu soo maray..

Sucaad Cabdilahi oo ah gudoomiyaha xidhiidhka Yurub iyo Ameerika iyo Saamiya Muuse Gudoomiyaha abaabulka Ee Qaarada Yurub Ayaa siwada jira u sheegay in uu Ucid yahay xisbigii badali lahaa dhiiga siyaasada Somaliland ee gaboobay iyaga oo bulshada ugu baaqay in ay u hiiliyaan hadafka uu xisbiga ucid ku doonayo in uu kaga midho dhaliyo barwaaqo, cadaalad iyo daryeel..

Xoghayaha maaliyada Norwey Ruweyda Muuse iyo gudoomiyaha garabka haweenka Xisbiga Ucid ee Germany Khadra ayaa iyaguna halkaas ka hadlay..

Gudoomiyaha jaaliyada Germany Cabdifataax Cismaan Cigaal ka warbixiyay xaalada guud ee jaaliyada Somaliland ee wadanka jarmalka iyo qorshayaasha kala duwan ee qorshays jaaliyada waxaanu sheegay in doorashadii rasmiga ahayd ee jaaliyada la qaban doono bisha November 14 keeda sidaasi darteedna doorashadu ay cid kasta u furan tahay.

Mudane Jamaal Cali Xuseen Murashaxa Madaxweynenimo ee xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee Ucid ayaa umahadnaqay dhamaan shacbiga tirade badanaa ee goobta isugu yimi iyo qabanqaabiyayaashii xaflada.

Mudane aqoonyahan Jamaal cali xuseen waxa uu ka waramay xaalada guud ee dalku marayo iyo sida loogu hungoobay higsigii iyo hadafkii ay umaddu lahayd islamarkaana hogaanka dalku uu umarin habaabiyay majarihii dhabta ahaa ee ummadu ay u baahnayd, taasina ay tahay sobobta uu siyaasada ugu soo biiray si uu u badbaadiyo wadanka…

Aqoonyahan Jamaal waxa uu sheegay in wadanku uu la curyaamay kana kici laayahay qabyaalad iyo siyaasiyiin aan dalka u tudhaynin oo hantidii maguurtada ahayd ee dalka dhamaan xaraashay, islamar ahaantaana ay qabyaaladu gaadhay heerkii ugu xumaa abid Somaliland, halka musuqmaasuquna uu u noqday dawlada haatan wax iska caadi ah

Waxanu sheegay in Kulmiye uu wado Qori isku dhiib oo kolba mid ka mid ahi uu shaadh kale inoosoo gashanayo waa sida uu hadalka u dhigay waxaanu ku tilmaamay Siyaasiyiinta Kulmiye Dad soo shaqo doontay oo aan dalka iyo dadka u tudhaynin sidaa darteedna aanay taasi noqon doonin mid anay shacabku ka ogolaan doonin isaga oo tibaaxay In ay ka dabatagi doonaan dhamaan hantidii umada ee la dhacay oo ay la xisaabtami doonaan shaqsiyaadka caadaystay in ay cunaan xoolasha shacabka.

Murashaxa madaxweynenimo ee xisbiga Ucid Md Jamaal Cali Xuseen waxa uu xusay hadafka xisbigiisa iyo qorshayaasha ay ka damacsan yihiin horumarka dalka isaga oo carabka ku adkeeyay balanqaadyada xisbiya iyo sida loogu baahan yahay isbedel cusub oo saameeya siyaasada Somaliland oo ay kufadhiisteen odayaal kasoo hadhay lixdankii waxanu xusay sida ay lama huraanka u tahay in dhalinyaradu ay la wareegto hogaanka dalka taasi oo ah buu yidhi ta lagu gaadhi karo horumarka loona heli karo maskax iyo jidh firfircoon oo u adeega bulshada

 

La soco muuqaalka iyo Sawirada Xalfada Wakhtiyada soo socda

Gabileynews.net

contactgabiley@yahoo.com

 

2015-11-01 03.41.06 2015-11-01 03.41.08 2015-11-01 03.45.19 2015-11-01 03.45.34 2015-11-01 03.45.37 2015-11-01 03.46.14-1 2015-11-01 03.46.33 2015-11-01 03.46.55 2015-11-01 03.53.27 2015-11-01 03.53.34 2015-11-01 03.47.20 2015-11-01 03.47.22 2015-11-01 03.47.46 2015-11-01 03.48.25 2015-11-01 03.50.49-1 2015-11-01 03.50.49-2 2015-11-01 03.50.55 2015-11-01 03.51.02 2015-11-01 03.51.25 2015-11-01 03.52.14 2015-11-01 03.52.21 2015-11-01 03.52.29 2015-11-01 03.52.45 2015-11-01 03.53.23P1000437 P1000467 P1000469 P1000501 P1000503 P1000506 P1000537 P1000544 P1000547 P1000568 P1000590 P1000598

News Related