Published:

Puntland oo Maamulka Muqdisho ku eedeysay Dagaalka Gaalkacyo.

dagaalGaalkacayo(Waaheen)Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa is dhaafsanaya eedo kadib markii dagaalo kala dambeeyay oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba keenay dhexmareen. Maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamada dawladda federalku taageerayaan maamulka Galmudug, halka arrintaasi ay beeniyeen maamulka Galmudug.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa BBC-da u sheegay in Ciidanka, hubka iyo gaadiidka Gaalkacayo kula dagaalamay ciidamadoodu yihiin kuwa dawladda dhexe ee Muqdisho, waxaanay dagaalkan u sibir saarayaan mid dawladda Xasan Sheekh gacan ku leedahay.

Waxa uu sheegay in Ciidanka dagaalka kula galay Gaalkacayo ee ka socda dhanka Maamulka Galmudug yahay kii dawladda Xasan Sheekh “Ciidanka Gaalkacayo ka dagaalamayaa waa ciidan Cadaado ka yimid, waa ciidankii lagu soo tababaray magaalada Muqdisho, waa ciidan leh astaantii qaranka oo tababaran, baabuurta ay ku dagaalamayaan ayay astaanta dawladda Somalia ku qoran tahay, waana nasiib darro in maanta dawladdii Soomaaliyeed arrintaas ku kacdo,” ayuu yidhi wasiir Soocadde.

Geesta kalena madaxweyne xigeenka maamulka Galmudug ayaa beeniyay eedahaasi kuna dooday inay dawladda dhexe isla garteen inaan ciidan tiro yar oo jooga Cadaado ka qayb galin dagaalka, cida tagtaana shaqadeeda ku waayi doonto. Waxa uu ku dooday in maamulka Puntland quudhsanayaan maamulka Galmudug.

Waxaanu yidhi isagoo sababta dagaalka keentay ka hadlaya “Dhibku wuxuu ka bilawday laamiga la dhisaayo laakiin, dhibku kaas oo kaliya maaha ee waxaa jira wadatashi la’aan, is qadarin la’aan. Puntland way inkirsan tahay maamulka Galmudug ilaa markii la dhisay, markaa barnaamijka laamiga haddii laga wadatashan lahaa intii aanay bilaabin waa laga wada faa’iidaysan lahaa cidna horumar ma diideen,” ayuu yidhi.

Dhexdhexaadino ay wadeen waxgaradka dhaqanka iyo ra’isal wasaaraha Somalia ayaa u muuqda inay fashilmeen kadib markii Ra’isal wasaaraha oo wali wada dhexdhexaadinta uu shalay dhacay dagaal barakiciyay bulshada ilaa 7 qofna ku dhimatay inka badana ku dhaawacantay.

News Related