Published:

Xisbiga ucid waa xisbi mudo badan soo jirey laba jeer oo hore ayuu soo tartamay uuna ku guuldareystey wax natiija ah oo uu ka gaadhay labadaas doorasho xisbiga ucid habayareetee majirto.

Hadaba waxaa muhiim ah inaanu is weydiino xageebay wax ka qaldanyihiin oo ay sartu ka qudhunsantahay waa maxay dhibaatadan ka dhaxbilaabantey xisbiga ucid ma mid qarsoonaydbaa oo imika soo baxdeybaa ma mid huursaneyd oo imika timidbaa ma mid aan ogeynbaa waa maxay qaraxan imika dhacay.

Ninkastoo garaad lihina uu ogyahay odatga reerka ugu weyn ee xisbiga sameeyey ee siyaasada ku soo saqiiray ee faysal cali waraabe horaa loogu maah maaahay laxiba halkey is dhigtaa lagu qalaa.

Faysal cali waraabe markuu ka quustey isagu inaan mardambe la soo dooranayn ayuu nimankan aqoonyahanada ah ugu yeedhay xisbiga ucid si ay u soo nooleeyaan xisbiga kuwaasoo rabay iney umada u shaqeeyaan.

Maxaa ku dhacay dabacoogii ay wadeen aqoonyahaniintan xisbiga ku soo tabcay ee gashay maskaxdoodii,muruqoogii,tabacoogii,maxaa halmar ka dhigey hal bacaad lagu lisay.

Hadaba maxaa keeney daba furkan uu sameeyey faysal cali waraabe xisbigu ma mid uu ku shaqeystaa oo kolba kii lacag badan u sheega ayuu u jinjeedhsamaa arintaasi waxay keeni doontaa taariikh xumo magac xumo akhlaaq xumo waana foolxumo ku habsatey oo bar madow ku noqoneysa faysal cali waraabe.

Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels.

News Related