Published:

Amaanka Xarumaha Dawlada oo aad loo adkeyey

Hargeysa(GNOPhoto-File-ku-qor-oo-warka-koowaad-geli)  Xukumadda Somaliland ayaa heegan galisay Ciidamada kala duwan ee Amaanka sida kuwa Sirdoonka iyo Booliska, illaa hada lama oga Xaalada soo cusboontay ee keentay in heegan la galiyo ciidamada, Balse wararka aanu helayno ayaa sheegaya in Arrintani ay ka dhalatay  ka dib markii xukumadu heshay digniino dhinaca amaanka ah.

Ilo xogogaal oo Wargeyska Waaheen  helay ayaa sheegaya in maalmihii u danbeyey la adkeyey Aamanka Xarumaha Dawlada gaar aha Wasaarada iyo goobaha kale ee hawlaha qaranku ka socdaan.

Inkasta oo Caado tahay in dawladu helan digniino dhinaca amaankooda  ah wakhtiyada qaar, ayaa hadana Somaliland waxay jaar la tahay waddanka Somaliya oo ay ka hawlgaan kooxaha Xajirka ah kuwaasi oo dagaalo kula jira dawladaasi isla markaan wakhtiyada qaar  u talaaba wadamada jarka la ah.

News Related