Published:

Shir  noocisa  aa hore logu baran ayaa ka dhacay Galbeed Magalada London 22/11/2015 Shirkaas oo 12283117_10153027124601377_51360781_n

Wax kale oo shirka lagu tageeray Mdaxawaynaha Somaliland Mohamed Ahmed Mohamud Siraayo waxqabka iyo horrumarka u gadhisiyeye wadanka

 

Waxa kale oo lagu tageeray Gudoomiyaha Xisbiga ahana Musharaxa  Maxawaynaha  ee Xisbiga Kulmiye  2017 mudane  Muse Bixi Abdi. Waxa shirka  ka soo qayb galay Counsellorka Xafada Brent ee Galbeedka London mudden Abdifatax Noor,  Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee xisbiga Kulmiy ee UK Marwo Asha Ayben  Dadwayne Fara badan oo ka kala yimid Xafadaha Magalada London ka kooban tahay

 

Waxa Shirk ka hadashay Marwo Asha Ayben oo runti ku dheeratay qaab dhismeedka xisbiga , Hawshisa  Baladhan ee u tala Xisbiga iyo Horumarka muqda ee inti Xisbiga Kulmiye ahayey Talada wadanka u gadhisiyey.

 

Waxa isaguna ka hadilay Counsellor Abdifataha Noor oo si qiime leh uga hadilay in reer Somaliland ay ka qayb galan Siyaasada wadankan Engriiska isagoo  sheegay in ay jiraan ugu yaraan 7 Counsellor Somalilander’s ah waxa kale oo u ku gobaabiye  in laga qayb galo Ganacasiga iyo waxbarashada  wadankan  UK , waxa kale oo u ka hadilay Tariikhda  Muse Bixi Abdi  u ku leeyahay Somaliland iyo in u leeyahay aqoon iyo karti u ku hogaamiyo wadanka

 

Cousellor Abdifataha wuxu ku soo gabagabeeyey in midnimada Somaliland la ilaaliyo. Waxa kale oo shirka ka hadilay Aqoonyahano iyo dadwayne fara  badan oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Waxa shirka kaga qayb galay line Telephoneka  madaxada xisbiga Kulmiye ee Wadanka Germany oo erayo dhiirin gelin ah ka soo jeediyey halkaas .

 

Waxa cod gacan tag ah lagu doortay Guddiga  laanta Hayes, Hillingdon, Southhall, Harow,  Wembley,Greenford  iyo Dryton

Gabagabadii waxaa lagu dhawaaqay natiijadii sidan soo ku xusan:

Zaynab Omar: Chair

Mohamed Abdisalaan : Vice  chair

Khadra Diriye: Treasure

Nimo Yusuf :   Secretary

Safiya Adan : Spoken person

Ahmed Mohamud : Member

News Related