Published:

aidsss

 

 

Agaasimaha Daladda SAHAN NETWOR  Mr. Anwar Cabdixamaan Warsame ayaa ka qayb galay Shirweynihii 18th ee HIV/AIDS ka Qaaradda Africa kaas oo sanad kan lagu qabtay Dalka Zimbabwe ee ku yaal qaybta Koonfureed ee Qaradda Africa. Shirkan oo sanadkiiba halmar laqabto ayaa lagaga hadlaa xalada Guud ee Xanuun dhaliyaha HIV iyo sidii looga hortagi lahaa, daladda SAHAN NETWORK waxay nasiib u yeelatay in ay noqoto Hay’ada kaliya ee ka shaqaysa dhulka Somalida kana qaybgasha shirka, waxaana qudbad dheer ka soo jeediyay shirka, Agaasimaha Daladda SAHAN NETWORK Mr. Anwar Warsame isaga oo si qoto dheer uga hadlay xaladda guud ee HIV/AIDS ka Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ka horta xanuunka iyo  sidii loo  daryeeli lahaa  dadka la nool xanuunka,  Shirkan  oo ay  ka  soo  qaybgaleen 46 dal oo  Qarada Africa  ah  iyo  Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Caalamahiga ee  ka  shaqeeyay Xanuunka  HIV/AIDSka, ka  shirkan ayaa diiradda lagu  saaray   sidii  kor  loogu  qaadi  lahaa ka  hortaga iyo  wacyigalinta Faafiadda  Xanuunka iyo  daryeelka  dadka  xanuunka  lanool, Ka qaybgalk shirkan caalamiga ee Daladda  SAHAN NETWORK ayaa noqon doona mid kor u qaada xidhiidhka Hay’adaha wadaniga ee Somaliland, Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeyay ka hortaga iyo xakamaynta xanuunka HIV/AIDS Qaradan Africa.

 

News Related