Published:

IMG_6325Hargeysa – (GNO) – Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa wacdaro ka dhigtay carwaddii 7-aad ee ganacsiga Somaliland carwaddan oo maanta oo sabti ah laga furay huteelka Guuleed Huteel ee magaaladda Hargeysa waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin ka coday rugta ganacsi Somaliland, Wasiiro, Safiirka Turkiga, rugta ganacsiga Puntland iyo Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday shirkadda waaweyne ee ka jira dalka.

Shirkadda Telesom ayaa carwaddan ku soo bandhigtay adeegyo kala duwan, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Bulshadda ee shirkadda casriga ah ee Telesom Muddane Cabdiwahaab Maax oo ka hadlay xafladdii furitaanka ee carwadda 7-aad ee ganacsiga Somaliland ayaa shaaca ka qaaday shan adeeg oo cusub oo shirkadda Telesom soo saartay sanadkan 2015. Adeegyadda oo faa’iido weyn u leh bulshadda.

Muddane Cabdiwahaab Maah oo sharaxaad ka bixinaya adeegyadda shirkadda Telesom soo kordhisay ayaa yidhi, “Adeegtadda cusub ee aanu maanta carwaddan ugu talo-galnay waxaa ugu muhiimsan adeeg cusub oo aanu ugu magac darnay ILA-SOCO adeegaasi waxaa weeye adeeg loogu talo-galay dadka ka ganacsadda gaadiidka ama ha noqoto hay’adaha ama gaadiidka dawladda ama haayadaha madaxa-banaan ha noqotee ay kula socon karaan gaadiidkooda u kala gooshaya dalka  gudihiisa ama magaalooyinka gudahoodaba”.

IMG_6346Cabdiwahaab Maax ayaa sharaxaad ka bixiyey sida uu u shaqeeyo adeegani waxaanu xusay in adeegani uu kuu sahlayo in aad gaadhigaaga daqiiqad daqiiqad aad ula socon karto hadba meesha uu joogo, in aan haddii lagaa xadho aad gaadhi bakhtiin karo ama joojin karto, in haddii ciladdi ku timaado aan go’aan kartid, in goobihii uu soo maray oo dhan iyo goob-kasta kiilomitirka uu ku socday aad ogaan karti, in aad goob cayimin oo aanu gaadhi ka gudbi karin uu adeegan ILA-SOCO kuu sahlayo.

Sida uu sheegay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Arimaha Bulshadda ee Shirkadda Telesom Md. Maax Adeegan ILA-SOCO waxaa adeeg lagala socon karo mobile-kaaga oo fariimo kuu soo diraya hadba xaaladda uu ku sugan yahay gaadhigaagu, waxaad sidoo kale lagala socon kartaa koombuyuutarkaaga.

Md. Cabdiwahaab ayaa sidoo kale sheegay adeegyo badan oo ay shirkaddu carwadda ku daahfurtay kuwaasi oo ay shirkaddu adeegyadda cusub iyo kuwii horeba ay bulshadda carwaddan inta lagu jirto ku siin doonto qiimo jaban iyo qiimo dhimis balaadhan.

IMG_6331Maamulaha Suug-gaynta ee shirkadda Telesom Cabdiraxmaan Ismaacil Aar oo ku hadlay afka shirkadda Telesom ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey adeegyadda ay shirkaddu ku soo bandhigtay carwaddan waxaanu yidhi, “Runtii maanta carwadda waxaanu ku soo bandhigaynaa adeegyo cusub oo casriya adeegyadda aanu soo bandhigayno waxaa ka mid ah adeega loo yaqaano Mobile Market, adeegan oo u suurto -galinaya dadweynaha carwaddan wax ku soo bandhigay inay la wadaagaan macaamiishii aan jaanis u helin inay carwaddan yimaadaan. Adeegyadda aanu soo bandhigayno waxaa ka mid ah ZAAD Somaliland Shilling oo runtii markii kowaad ee carwooyinka rugta ganacsigu qabtaan wax lagu kala iibsanaayo. Waxaanu sidoo kale soo bandhigayn adeega Fariin-wadaag adeegaasi oo runtii u suurto-galinayaa macaamiisha kala duwan inay ku xayeysiistaan adeegyadooda kala duwan iyo sidoo kale inay dhalinyaraddu ku wadaagaan macluumaad cilmi iyo diini ah, sidoo kale carwaddan waxaanu kaga qayb-galaynaa TELESOM GROUP”

IMG_6306Shirkadda Telesom ayaa carwaddani ku daahfurtay  4 adeega oo faa’iido badan u leh bulshadda afartan adeeg oo kala aha ILA-SOCO, MOBILE MARKET/SUUQ, Fariin Wadaag,  Kaaliye¸ Adeega Kaaliya waxaa  furaha lagu galayaa yahay *151# wuxuu kuu sahlayaa in aad naftaada u adeegto haddii mobile-ku kaa xidhno, haddii uu kuu shaqayn waayo, haddii aad u baahan tahay in aad internet furato oo aanu hore kugu shaqayn ama kaa ciladaysan yahay. Shirkadda aya sidoo kale carwaddan ku soo bandhigtay lambaradda VIP-da ah ee isku eeg sidda 4444444 oo kale ah, shirkadda ayaa sidoo kale qiimo-dhimis ku samaysay Flash-ta Internet, madaxyo landline ah waxaanay sidoo kale qiimo-dhimis ku samaysay lacagaha daymaha ee ku maqan macaamiisha.

aar IMG_6297 IMG_6285 IMG_6294

 

 

News Related