Published:

Sooyaalkii Nololeed iyo shaqo                                                                       

                                                       ee

Marxuum Axmed Xasan  Sh.Suufi

“Cawke”

 

Qaybtii Labaad

Bahda Mareegta Farshaxan

Nofember, 2015

Faaraxow galgaladkaan dhigiyo gama’ la’aantayda
Gogoshaan ku jiifsaday hurdada goodkii igu yaacay
Gasiinkii la ii dhigay waxaan gawska uga daayey
Dar guryii ka yimi baa war baas iila soo galaye
Geeridii Xirsay sheegayeen gacal ha waayeene
Goblamooyin waxay ii wadeen guuldarriyo hooge                                                                         Gabbal baa u dumey reerihii geliga Booc yiille
Abidkii rag waa go’i jiree tanise waa gaw’e
Lix hal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi

Cali Jaamac Haabiil(IHUN)

 

Axmed wuxuu ahaa nin salaadda ku fiican;  Axmed Cawke  ayaa na tukin jiray intaanu ku jirnay safarkayagii aanu ku gaalabixinaynay degaanada Itoobiya; Axmed xasan wuxuu ku fiicnaa cibaaddada Ilaahay; Axmed Cawke  wuxuu ahaa nin Illaahay u dhaw; Marka la eego hab-dhaqankiisa wuxuu lahaa sifihii lagu tilmaamey ehlu Jannada;  Axmed Xasan Cawke wuxuu ahaa  nin dhaqan wanaagsan,oon waligii lagu arag isagoo qof u cadhooday; Axmed Xasan  aad ayuu qof kasta u ixtiraami jiray;  Axmed  cawke  si siman ayuu dadka u wada  ixtiraami jirin umanyna kala soocnayn yar, weyn, madaxweyne, rayid,iwm…..

Weedhahaa iyo kuwo la mid ahaa  ayaa qoraal iyo odhaah ahaanba ay ku soo badhigeen dadkii ka waramayey sooyaalkii iyo hab-dhaqankii marxuum Axmed Xasan  Sh. Suufi Cilmi. Maahmaah  qalaad ayaa tidhaahda  “Charity begins  at home”. Sidaa darteed ayeynu qoraalkan dib ugu jaleecaynaa  reerka uu ka soo jeedo  marxuum  Axmed Xasan Cawke.

Dadku kala ayaan roon

Ama kala aqoon dheer

Ama kala asluub weyn

                            Maansada Amal, Maxamed Ibraahin Warsame(Hadraawi)

Waxaa Marxuum Axmed Xasan Cawke  awoow u ahaa  Sheekh Suufi Cilmi(IHUN).  Dhalasho ahaan iyo korniinba wuxuu Sh.Suufi  Cilmi ku  qaatey degaanka  Wajaale  iyo Kalabaydh. Xilligaa Wajaale iyo Kalabeydhka midna  muu laheyn tilmaamaha degaaneed ee lagu yaqaan iminka. Sh.Suufi  Cilmi wuxuu  nasiib u helay inuu noqdo ardey barta aqoonta diinta sida Quraanka, Xadiiska iwm.

Sh.Suufi  Cilmi wuxuu ku biiray xerta si uu aqoon ugu yeesho diinta Islaamka ee  uu aaminsan yahay. Muddo ka dib ayuu Sh.Suufi  Cilmi u wareegay  magaalada Saylac oo xilligaa aheyd hormoodka magaalo ganacsiyeedyada geeska Afrika,  waxaa kale oo ay aheyd magaalo diimeed, iyo magaalo xeebeed isku keentay bulsho kala duwan. Si uu aqoon diimeed u sii korodhsadana waxay ka Saylac  mid aheyd  goobaha  ugu mudan ee ka heli karo xilliga

Sidoo kale ayey bar kulmis u aheyd safarada kala duwan ee  Afrika iyo Aasiya. Sh Suufi Cilmi muddo gaaban gudaheed ayuu ku noqday Sheekh ka mid ah sheekhyada Saylac laga danbeeyo. Aqoon ahaan iyo  ku dhaqan diimeedba Illaahay waa ugu  deeqay, isna dadaalkiisa muu yareysan. Waxaana  Sh.Suufi  Cilmi  gacanta laga galiyey Taskiyadii.

Wuxuu Sh Suufi Cilmi  dib ugu soo noqday degaanada Gabiley, Gogaysa, iyo agagaarka Kalabaydhka si uu  wax u baro dadkii deganaa degaanadaa. Culimada  Sh.Suufi  Cilmi ka  faa’iiday waxna ka baratey waxaa ka mid ahaa Sh. Muumin, Sh. Cismaan Sidci. Iwm.

Aan ku yara hakano  Saylac iyo ka sheekaynteeda in yar.Magaalada  Saylac oo qoraalada qaar ku magacaabaan “Aualites” waxay leedahay taariikh aad u fog. 529 C.D. ayuu ka dhoofay boqorkii Xabashidu, markii uu u sii socday magaalada Cadan ee dalka Yaman.

Magaalada Saylac waxaa soo booqday qoraagii caanka ahaa ee Ibn_batuutah 1330-kii, halkaasoo uu ku tilmaamay inay ahayd magaalo weyn xilligaa.

Mareegta Saaxil

 

Qarnigii 16aad waxay magaalada Saylac ahayd caasimaddii maamulkii caanka ahaa ee Awdal. Qoraalada laga hayo Saylac way farabadan yihiin,balse aan ku soo koobno socdaal uu ku soo maray  nin la odhan jiray Richard Burton.  Ninkani  si uu safarkuna ugu fududaato , hawlihiisii basaasnimana u hirgalaan wuxuu la baxey Sheekh Cabdilaahi.

Xilligaasi waa sebenkii uu ka talinayay magaalada Saylac Xaaji  Sharmaarke Ali Saalax oo magaalada ka ahaa guddoomiye muddo dheer. Wuxuu xilkaa uga danbeeyey Sayid Maxammed Al Barr oo u joogay khilaafadii Cusmaaniyada.  Xaaji Sharmaarke  waxna muu akhriyo jirin , manuuna qori jirin. Waxaase aad loogu yaqaaney lagagana danbeyn jiray inuu   afar seefood gacan ku wada qaado, kuna dagaal gali jiray mar kaliya. Inkastuu xilliyadaa ku dhawaa lixdamadii, wxuuu  lahaa jidh aad u dhisan, oo dusha laga huwiyey dhar qurux iyo bilicba leh. Wuxuu  aad ugu hamiyi jiray in uu gacantiisa soo galiyo labada magaalo ee Herer(oo iminka ka mid ah kilinka shanaad ee Itoobiya) iyo Berbera. Tani waxay awood dheeraad u siinaysay Xaaji Sharmaarke inuu xeebahana gacanta ku hayo, Itoobiyana  lug ku yeesho.

 

Richard Burton(Sheekh Cabdilaahi) wuxuu  ku tilmaamay magaalada Saylac inay ahayd magaalo weyn oo uu ka socday ganacsi aad u xoog badani.Ganacsigaasi kumuu eekayn xoolaha iyo badeecadaha  oo la kala iibsado ee xataa waxa magaalada laga dhoofin jiray dad la soo khasbay,oo loo iib-gayn jiray Sayladaha carabta,dadkaasoo laga soo qab-qaban jiray badhtamaha Afrika. Richard Burton  socdaalkani wuxuu ugu socday magaalada Herer,Saylacna marin uu sii maray ayey noqotay.Magaalada Saylac qiimahaa iyo ku ka badan ayey laheyd

Sh.Suufi  Cilmi markuu diin faafintii muddo wadey, dad badanina ka aflaxeen ayuu ku noqday magaaladii Saylac.

 

 

Sh.Suufi  Cilmi wuxuu  guursadey laba jeer, Ilaahayna wuxuu ku galadey saddex wiil oo ugu kala wanqalay  Jaamac (dadkuna  ku naaneysi  jireen Jaamac Feesto), Maxamed Xabiib , iyo Xasan oo danaankiladii degnayd magaalada Saylac ay magacaasi ugu ladheen Cawke.  Sida halkaa ka cad magaca Cawke waa eray ka soo jeeda afka  Danaakilada(Canfarta)  ah tilmaan midabeed.

Muddo  ka dib ayuu Sh.Suufi  Cilmi (IHUN) ku geeriyooday magaalada Saylac, laguna aasay halkaa. Saddexdiisii wiil ayaa markaa bilaabey inay  kala hayaamaan,  Maxamed Xabiib  Sh.Suufi  Cilmi wuxuu  u dhaqaaqey dhinac Lawyacade oo ka bilaabey  ganacsiga ah inuu dadka safarka ah u kala socda Djibouti, Itoobiya iyo Somaliland Protecorate  u sameeyey huteel. Barigaa Huteeladu  umay dhisnayn, bilcsaneyna sida ay iminka yihiin.  Sariiro cadiira oo dibada yaala iyo kaniifyo  gooni gooni ah  ayuu ka hirgaliyey  magaalada  Lawyacade. Sidoo kale ayuu u raaciyey goobtii wax laga cunayeyna. Wuxuu Maxamed Xabiib ku guuleystay  inuu magaalada Lawyacade  ka dhigo goob lagu nasan karo,la joogi karo, lagu ilaawi karo socdaalkii dheeraa ee la soo galay.

Jaamac Sh.Suufi  Cilmi  iyo  Xasan Sh.Suufi  Cilmi waxay u soo dhaqaaqeen dhinaca  degaanada Wajaale iyo Kalabaydh. labaduba waxay noqdeen ganacsade.Inkastoo magaalada Wajaale  koboceega,  magaceega oo kor looqaado, iwm uu qayb laxaad leh ka qaatey Xasan Sh, Suufi (Xasan Cawke).  Waxay magaaladi aheyd bar kulan  uu gumaystihii Talyaaniga iyo Ingiriiskuba qayb ku lahaa. Hase yeeshee ganacsade  Xasan Sh Suufi ayaa kaalin la tilmaami karo ka qaatey  magaaleynta Wajaale. Magaciisa ayaa ku soo dhacaya maanka qof kasta oo tilmaan ka bixi is yidhaa Wajaale:

 

 Tog-Wajaalihii baan tagayaa,  Taamudka ahaaye,

 Toolmoonihii Muxumed ,ee aan tabayay ii yeedh,

Xasan  iyo Tujaar wehelisaan, tagi agtoodiiye,

Jinkii Lacagta tuul tuuli jirey toosi Gegedii,

Tarba yow wakaa yidhi , isagoon cidi tilmaamayn.

 

Wajaale(Tog-Wajaale) waa bar kulanka Somaliland iyo Itoobiya una kala qaybsan laba qar,oo wadaagta magaca guud . Inkastoo dadka qaarkii ay ku sii tilmaansadaan  qar Soomaali dhinaca Somaliland, halka ay qar xabashina ku tilmaamaan dhinaca Xabashida. Hase yeeshee magacda ay ku caano maashey ee xilligaa loo yaqaaney waxay ahaayeen Laanta Curdinka, Garoonka, Tuur Caanood iyo Wajaale (ama Tog-Wajaale) oo ay iminka ku  suntan tahay.

Barigii hore waxay ku taaley degaanka  Galbi Haadley , muddo ka dib ayaana loo soo rarey halka ay iminka ku taalo. Dakada Qalalan ayaana  iminka loogu ladhaa magaceega Tog-Wajaale.

Xasan Sh.Suufi (IHUN) oo ah Axmed “Cawke” aabihii  ayaa wuxuu isagu deganaa degmada Wajaale ee Gobolka Gabiley,waxaanu ka mid ahaa dadka ugu hantida badan  degaankaa, inkastoo dadka qaarkii ku tilmaamaan Wajaale ahaan inuu hormood isagu ka ahaa.Wuxuu Xasan (IHUN)  lahaa guryo  badan,dhoofina jiray dibidda  iyo hargaha. Halka  ay  Hargeysa hormoodkeeda ahaayeen Xasan Dalab, Xasan Rakuub,Xaaji Gaydh, Gabileyna Xaajiyada ( Xaaji Askar Cabdilaahi iyo Xaaji Barkhad  Qalinle). Dhamaantood Ilaahay ha u naxariisto.

Waxaa Xasan Cawke magaalada Berbera uga wakiil ahaa  nin la odhan jiray  Sayid .  Xasan   waxaa u dhexday marwo  Caasha Nuur.Waxaana  aabo Xasan Sh. Suufi   iyo hooyo  Caasha Nuur   Ilaahay ugu deeqay wiil iyo gabadh,halka ay wiilka  ugu wanqaleen Axmed,gabadhana Canab.

Waxaa tilmaan weyn aheyd magaalada Wajaale   harta uu lahaa   Xasan Sh.Suufi (IHUN)   oo la odhan jiray  Harta Xasan  Cawke. Kaynta  jiqda ah  ee ka sokayso  Kalabaydh ayaa iyaduna aheyd meel lagu booqdo ama siyaarto Sh.Suufi Cilmi (IHUN).

 

La soco qaybaha danbe ……..

 

Soo diyaarintii

Fu,aad Sheekh

Bahda Mareegta Farsahxan

Xigasho:

-Qoraal      -Taariikhda Magaalada Wajaale   — Nimcaan Dheeg

-Qolka  Kaydka Mareegta Farshaxan

-Qoraal: -Taariikh ku saabsan  magaalooyinka Saylac,  Berbera,iyo Sheekh

by Sayid Maxamed Yusuf “Dhegey”

 

-Wareysiyo:

-Dr.  Maxamed  Sh. Xasan Taani

Wareyste:  Bahda Mareegta Farshaxan

-Maax Isaaq

Wareyste:  Bahda Mareegta Farshaxan

-Maxamed Maxamuud Liibaan

Wareyste:  Bahda Mareegta Farshaxan

-Sheekh Sacad Muuse

Wareyste:  Bahda Mareegta Farshaxan

-Axmed Yuusuf Ducaale

Wareyste:  Bahda Mareegta Farshaxan

-Axmed Cali Amaan  (Sulub)

Wareyste:  Bahda Mareegta Farshaxan

 

News Related