Published:

Hargeysa(GNO)-musharaxa madaxweyne ku xigeen  ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee XISBIGA UCID Aqoon yahan c/rashiid xasan mataan,ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay, waxa uu musharaxu ku Eedeeyahay Gudoomiyaha xisbiga ucid eng faysal cali waraabe, oo uu sheegay in uu faro galin baas ku hayo oo aan loo dulqaadan karin .

waxaana uu sheegay taasi inay sababtay in uu shaqadii iyo musharaxnimadii xisbiga UCID ee ku xigeen in uu ka tago, iyo weliba xubin nimadii xisbiga.

sidoo kale musharax jamaal cali xuseen ayaa sheegay in aanu isagu ka hadhayn oo uu han leeyahay isla markaana uu sii wadayo shaqada ilaa halka u dambaysa.

News Related