Published:

Kooxdii dhawaan Xukuumada Somaliand ka dareertay iyo mowqifka ay ka aaminsayihiin qadiyada madax banaanida Somaliland oo soo shaac baxey.

Wargeyska Indian Ocean ee ka faalooda siyaasada Afrikada Bari ayaa cadadkiisii todobaadkii hore soo baxey ku soo bandhigey warbixin dheer, oo ka hadleysa ismaandhaaf xoogan oo soo kala dhex galey Wasaarada Arrimaha Debbada Maraykanka «State Department » iyo Wasaarada Arrimaha Debbada Ingriska «Foreign Office ». Ismaandhaafkan, ayaa Wageysku sheegey in uu ku saabsanyahey sida laga yeelaayo muranka Siyaasadeed ay dhawaan abuureen wasiiradii iska casiley Xukuumada Somaliland  ee uu hogaamiyo Madaweyne Axmed Maxamed Maxamuud, Silaanyo. Dawlada Ingriska oo bishan 11-dii u soo dirtey Somaliland laba Sarkaal oo Safaaarada Ingriska ee Addis-Abeba ka tirsan, Cat Evans iyo Lizzie Lovett ayaa, sida wargeysku sheegey ka codsatey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland in uu ku soo celiyo xukuumadiisa 13 kii Wasiir iyo wasiir-ku Xigeenkii is casiley. Wargeysku wuxuu codsiga Xukuumada Ingriska ku sababeeyey taageero uu horjoogaha Wasiirada is casiley, Xirsi Xaaji Cali, ka heysto dhowr Wasiir oo ka tirsan Xukuumada uu hogaamiyo Ra’isul Wasaaraha Ingriska David Cameron.  Wargeyska ayaa sidoo kale sii raaciyey in Dawlada Ingriska oo baryanhan dambe aad ugu mashquulsan taagerida Dawlada taagtan daran oo Soomaaliya ay dabacsanaan la xidhiidha qadiyada madax banaanida Somaliland kala kulantey wasiiradii is casiley intii ay xukuumada Somaliland ku jireen, tiiyo uu dhanka kalena xidhiidh dhow ka dhexeeyo kooxda xukuumada ka dareetey, ururka «Ed-Dam Al-Jadid» ee u ololeeyey madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo tiro wasiiro ah oo xukuumada David Cameron ka tirsan, miisan culusna ku leh Siyaasada Arrimaha Debbada ee Ingriska. Wasiiradan xukuumada David Cameron ayaa sanadahan dambe olole xoogan ugu jirey sidii ay Somaliland ugu qancin lahaayeen in ay ka qeyb qaato nidaamka Federaalka ee Soomaaliya, tiiyo ay balanqaadyo ka heleen kooxdii Xukuumada Somaliland ka dareetey.

Dhanka kale Wargeyska wuxuu sheegey in Wasaarada Arrimada Debbada Maraykanka «State Department» aragtida Xukuumada ingriska aad uga soo horjeedsatey, tiiyo dhawaan usoo dirtey wadanka Djibouti Ku Xigeenka Arrimaha Afrika, Linda Thomas-Greenfield si ay ula kulanto Wasiirka Cusub een Arrimaha Debbada Somaliland, Dr Sacad Cali Shire. Maraykanka ayaa, sida wargeysku sheegey tuhumo xoogan ka qaba xidhiidhka dhow ee horjoogaha kooxda hadda dibad yaalka ka ah Xukuumada Somaliland, la leeyahey ururka « Ed-Dam Al-Jadid » oo isaga lafahaantiisu xidhiidh hoose ka dhexeeyo kooxda mayalka adage ee Al-Shabaab ee nabadgelyo darada xoogan ka wada guud ahaan Geeska Afrika. Maraykanka ayaa sidoo kale kula taliyey Xukuumada David Cameron in aaney wax taagero ah u fidin wasiirada iska casiley Xukuumada Somaliland maadaama ay ahaayeen niman marka horeba curyaamin jirey horumarka Dimuqraadiyada Somaliland.

Sida laga warhayo  Maraykanka iyo Ethiopia ayaa sanadihii ugu dambeeye tiraba dhawr jeer Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamaed Maxamuud, Silaanyo kula talisey in uu fiira gaar ah u yeesho wasiiradiisa qaarkood oo arrimo lidi ku ah madax banaanida Somaliland iyo nabadgelyada Gobolka ku hawlan.

Gabileynewsonline.com

News Related