Published:

 

 

(Daawo Sawiro)

 

Munaasibad Balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa shalay Khamiisti lagu qabtay Hotel Haldoor ee Magaalada Boorame, Munaasibadaas oo Gabdh loogu doonayey Siciid C/laahi Maxamed oo ah Wasiir ku xigenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka.

Waxaa xafladas ka soo qayab galay Wafti uu Hogaminayey Wasiirka Duulista iyo Hawada oo hawlo shaqo u joogay halkaa, Madaxwene Ku Xigeenkii hore ee Somaliland C/raxmaan Aw Cali, Salaadiin, Cuqaal, Xildhibaano iyo Dadwene kale, waxaana halkaa la isku weydiistay Inantii, oo sidii Caadada ahayad ay hadalka ku horeeyeen Garabka inanta.
Suldaan Abshir Maxamud Xayad oo Ka Socday dhinaca Wasiir Ku Xigeenka ayaa ydhi:-

“waa dhaqankeenii fiicnaa maanta isuguma keen horayso khaasatan waliba labadan qoys, inbadan baan Guur barako leh oo fiican isku soo hor fadhiisanay, waxaan maanta isoo geed fadhiisanay sida ay ahaan jirtay, Gabadha Magaceeda la yidhaado Hoodo Axmed Bade, oo aanu u doonayno Wasiir Ku Xigeenka Siciid Cabdi Maxamed, Eheloow na siiya noona Meheriya.”

Intaa kadib waxaa hadalka la wareegay Suldaan C/raxmaan Jaamac, oo ka soo jeeda dhinaca gabadha waxaanuu yidhi:-


“ Suldaan Hoodo Axmed Bade oo aad u doonayso Siciid Cabdi Maxamed, bal horta gudoon waanu ku siinee, inta badan taariikhda waxa aynu soo qaadanaa, taariikhda aynu mushaharka ku qaadano, taariikhda maanta waa 1437 bidhii 2aad ayeynu ku jirnaa, horta waxa aynu hoosta ka xariiqaynaa Guurkan maanta, Sanadkaa maanta waa guurkii Qarniga, oo waxaad arkaysaa culayska iyo Miisaanka Dadka meesha isugu yimiday, waxaan jeclaan lahaa maanta, Hoodo Axmed Bade oo aad noo waydiiseen siciid Meherkiina waanu idiinku darnay.


Inataa kadib Suldaan Abshir oo gudoomay inantaas ayaa waxa loo gudbay Meherkii, oo Sheikkhii ayaa isu Meheriyay Wasiir Siciid iyo Marwo Hoodo.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cismaan C/laahi Saxaradiid oo isaga iyo Agaasimahiisa Guud Cumar Zayid, Agaasimaha Waaxda Duulista Siciid (Saqiiro) ay ka qayab galeen munaasibadaas ayaa hadal kooban oo hanbalyo ah ah ka jeediyey madashaas, waxaana hadlkiisii ka mid ahaa:-

“ horta Boorama waa Magaalo aan Jecelahay, oo waxaan ku jecelahay saaxiibaday ayaa ku badan, saaxibo badan oo Rag iyo Dumarba leh ayaan ku leeyahay, saaxibadaydaa waxa ugu weyan Boqorka aynu halkan u wada fadhino, Siciid Cabdi Maxamed oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Rag saaxib ah ayaanu ahayan markaanu Maraykan Wada joognay, arimahana ilaahay ayaa iska watoo waa kaa isu kayo keenay, ee Wasaarad isugu kayo keenay.”

“runtii waa maalin aad iyo aad u weyn, shaki ayaa I galay oo qolana waxay leedahay Hooda qolana waxay leedahay Hodan oo wadaadkiina waakan inantii meheriyey, marka waxaan is idhi gabdh kale oo magacan kale lahi hadii ay joogto sow meherku ku dhicimaayo, markaa yarkan I ag taagan oo C/raxmaan la yidhaa oo ay inanta walaalo yihiin ayaan war saday oo ku idhi inan Magaceed, markaas ayuu waxa uu igu yidhi Hodan iyo Hoodo labadaba waa la yidhaahdaa.”

“ lab Arimood oo waaweyan ayaan halkan u imi mid waxa weeye Magaaladaas Caasimada Gobolka Awadal ah ee Magaalooyinka Jamhuuriyada Somaliland, Magaalooyinka ugu waaweyn ah, in aanan Dhagax Dhigin ee iyada oo ila socata Shirikadii dhisaysay aan geeyo Groonka Diyaaraduhu uga soo dagayeen Magaalada, Wasiirk markii lay magcaabayna ilaahay waxa uu ka dhigay meeshii ugu horaysay ee aan hawsha ka bilaabayey in ay Boorama noqoto.”

Wasiir cadaani wuu sii watay hadalkiisa waxaanu yidhi “ qodob kayga labaad waxa weeye arintaa khayrka leh ee aynu maanta u fadhino oo aanan ka maqnaan karayniin ee ninkaa aanu saaxibka nahay Wasaaradana maanta masuulka igala ah ee Siciid Cabdi Maxamed, waxaan islahaa inaabtidii ayuu doonayaa, laakiin waxa weeye dee calafkii ayaa adeegay, laakin anigu waxaan islahaa xagaa garxajiska ayuu u soo kacayaa, oo haduu Ciidagalaha qabanwaayo dee habar yoonisba ha qabto, laakiin Calafkii ayaa adeegay waanu hanaynynaa, waa nin qaali ah oo qiimo leh, maanta inanta aynu halka u fadhinaana, waa inan qaali ah ayaan aaminsanahay, ugu danbayntii waxaan ilahay ka baryayaa in Gurigaa uu ka dhigo Guri khayar qaba.

News Related