Published:

 

Hargeysa(GNO)November-21-2015- Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf, taliyaha laanta socdaalka Somaliland ayaa sheegay inay hawlgalo ay sameeyeen ku ogaadeen dad sifaha sharci ee ay dalka ku soo galeen hawlo ka duwan wadanka ka haya. Waxa uu sidoo kale sheegay inay gacanta ku dhigeen dad si sharci darro ah dalka u dhexmarayay iyo ku haystay ganacsi sharci darro ah.

 

Waxa uu dadka reer Somaliland ee dibadda ka keena dadka ajanabiga ah islamarkaana ay hawlaha wada wataan si sharciga waafaqsan u soo galiyaan, inta ay joogaana masuul ka ahaadaan. Waxa uu sheegay inay ka war heleen dad dalka la soo galiyay balse markii dambe dadkii masuulka ka ahaa ay is fahmi waayeen sidaasna ay ku kala tageen.

 

Sidoo kale wuxuu Hotellada ugu baaqay inaanay hotelladooda seexin dad aan sida warqado sharci ah oo muwaadinimo ama kuwa ajanabiga ee sifo sharciah ku jooga, islamarkaana sita aqoonsi sida basaboorka.

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Waxaa-Jiro-Dad-Sifihii-Sharci-Ee-Dalka-Ku-Yimaadeen-Shaqo-Ka-Duwan-Qabanaya..Taliyaha-Laanta-Socdaalka-Oo-Ka-Hadlay-Dad-Sharci-Darro-Lagu-Qabtay.html#sthash.GRKQ5jpp.dpuf

News Related