Published:

Hargeysa(GNO) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa si kulul uga jawaabay eedeymo uga yimid guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, waxaanu Guddoomiye Cirro Muuse Biixi ku sifeyey in uu la mid yahay labbaatan jir Mudug jooga oo aan illahay u xil qarin.

Sidaasi waxa uu ka sheegay mar uu qudbad ka jeedinayey Xuska Maalinta Saxaafada Somaliland oo shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Cirro oo Arrimhaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Munaasibad Xilwareejin ah ayuu guddoomiyaha Kulmiye kaga hadlay Xisbiga Waddani, laakiin Muuse waxa u ekeyd in labbada xisbi marka ay shirweynahooda ay qabsanayaan uu u soo duceeyo ee aanu habbaarin, waayo anaguba waanu u ducaynaynay oo waxaanu lahayn illahay Khar hagu dhameeyo shirka, Saaxiibkay Muuse Biixi waxan u sheegayaa marar baddan wax yaalo shakhsi ah wuu ka hadlay, aniguse ma jeceli in aan ka hadlo wax yaabbaha shakhsiga ah, laakiin nagu wali Muuse waxanu ugu baaqaynaa in uu xisbiga Odeytinimo ku maamulo oo kuwa cadhooday soo ladqabeeyo oo xisbiga mideeyo, Muuse Wuxu yidhi Xisbigu waa mideysan yahay laakiin waad ka warhaysaan in uu xisbigu mideysan yahay in kale, taasi waxa u marag furidoonta Barri, haddii uu xisbi mideyo waa la arki, haddii kale shacabku wuu arkidoona, laakiin waxan ka baqayaa in xaalka Guddoomiye Muuse Biixi noqdo labbaatan jir Mudug jooga illahay uma xilqarin.”Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

News Related