Waxa uu sheegay in wadahadal xukuumaddu la samaysay lagu dhameeyey in uu duurka ka soo noqdo
Hargeysa(GNO)
Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa ka hor intii aanu dalka Itoobiya u dhoofin doraad, qaar ka mid ah wariyayaasha u sheegay xukuumaddu inay soo af-jartay wadahadal ay kula jirtay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliiska oo dagaal toos ah la galay ciidamadda la cafiyey, isla markaana uu ka soo noqonayo Duurkii uu galay.
Cali warancade war faahfaahsan oo rasmi ah kamuu bixin arrintan hase yeeshee waxa uu sheegay in wadahadal ay la yeesheen Sarkaalkaas lagu soo gabagabeeyey in uu si nabad ah ugu soo noqdo magaaladda, isla markaana aanay jiri doonin wax cabsi ah oo ka taagan wararka laga tabinayey ninkaas.
Lama oga waxa lagu dhameeyey khasaarihii dhaawaca ahaa ee ka dhashay rasaastii ay isaga iyo ciidamaddu isweydaarsadeen oo ay ku dhaawacmeen illaa sided qof, iyo cida uu ku cadaaday danbiga falkii keenay is rasaasaynta ninkaas iyo ciidamadda.
Hadalka wasiir Warancade ayaa ka danbeeyey kulan ay albaabadu u xidhnaayeey oo ay Madaxweyne Siilaanyo la yeesheen isaga iyo taliyayaasha ciidamadda Somaliland, hase yeeshee waxa soo baxay in ay arrinta ninkan qayb ka ahayd kulankaas.
Weftigii Somaliland ee dhawaan booqday Dalka Kenya ayaa la sheegay inay safiirada dalalkii ay la kulmeen ku canaanteen Somaliland khilaafka ka dhashay sarkaalkaas iyo xukuumadda Somaliland, waxaanay tilmaameen in ninkaas la soo xero galiyo.
Maleeshiyo uu ninkaasi urursaday ayaa hore isu soo dhiibay, iyadoo wefti ii wasiirka arrimaha guduhu hogaaminayey oo booqday Ceerigaabo hore ugu soo guul daraysteen inay talaabo ka qaadaan Maleeshiyada uu sarkaalkaasi samaystay.