Ninka Puntland Jooga Waxaan Leeyahay Nugaal Tallo Lagaa Weydiin-maayo, Ninka Xamar Joogana Waxaan Leehaya Shidaalka Kismaayo Ka Hadal”Xildhibaan Indho-Indho
^
Hargeysa (GNO) Afhayeenka Golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan ( Indho-indho), ayaa jawaab adag siiyay Wasiirro ka tirsan Dawladda Somaaliya iyo Garoowe, kuwaasi oo ka hadlay shidaal baadhista Somaliland ka waddo gobolka Sool, halkaasi oo ay muran galiyeen wasiiro Somalia u hadlay. Xildhibaan Indho-indho waxa uu sidoo kale farriin u diray wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland oo uu faray inuu wax u qabto kana jawaabo tabashada bulshada degaanka laga baadhayo shidaalka ee gobolka Sool, halkaasi oo dadku ka cawdeen inaan laga jawaabin baahiyo ay hore xukumadda iyo shirkaddaha shidaalka ugu gudbisteen.
Diyaaraddo shirkadda DNO oo Somaliland heshiis kula jirtaa leedahay ayaa todobaadadii u dambeeyay baadhis ka wada degaannada Xudun, taas oo abuurtay muran Somaliland iyo Somalia u dhexeeya, qaar dadka degaanka ahina cabasho ka muujiyeen.