Dhinaca Amniga Iyo Caafimaadka Ee Degmada Lughaya Oo Si Wayn Looga Dayriyay Qaylo-dhaana Laga Diray sida uu noo sheegay Duqa magaalada lughaya: Cabdillaahi cali aw nuur dixiid
BOORAMA GABILEYNESONLINE.COM Xaaladaha dhinaca Amniga iyo Gurmadka Caafimaadka ee Degmada Lughaya ayaa si wayn looga dayrinayaa, kadib markii ay degmada ku kulmeen xoolo-dhaqato aad u badan oo hubaysan oo xoolahooda u soo soofiyay dhinaca degmada Lugahay, isdoo kalena ay Abeeso halis badani dad dhawr ah ku cuntay degaankaas, xaaladooda caafimaadna ay halis gashay kadib markii ay gurmad caafimaad oo degdeg ah waayeen, sidana waxa warbaahinta u xaqiijiyay Duqa Degmada Lughaya.
Degmada roob ayaa ka da’ay oo dhulku waa ka soo kabanayaa abaartii xooganayd ee mudada dheer saarnayd, daaqa iyo biyaha ay degamadu heshay ayaa waxa ay soo jiiteen, xoolo badan oo ka soo hayaamay dhul aad u fug oo soo raacay naqqaas da’ay, waxana ay xoolo dhaqatadaas kala duwan ayaa ah kuwo hubaysan oo xoolahooda daba socda. Dhaqankii reer guuraagana waad garan kartaa, oo waxa fudud sida ay isugu dhacaan iyaga oo kala ceshanaya cawska iyo biyaha. Ayuu yidhi Maayar Cabdilaahi Cali Awnuur Dixood.
Isaga oo hadalka sii wata waxa uu Maayarku yidhi “Mar hadii amniga guud xil naga saaran yahay, xaalada sidan ahi waxa ay nagu abuurtay cabsi iyo walaac jira, waxana arinta uga sii dartay dagmada oo aan haba yaraayee lahayn gaadiid dhinaca amniga ah oo ay ciidanka tirada yare e jooga uu ku hawl galo.
Dhinaca kale waxa uu Maayarku ka dhawaajiyay in dadka tirada badan ee ku soo qulqulaya degmadu ay culays saareen adeegyadii horeba naafada u ahaa ee caafimaadka, waxana uu yidhi “ tusaale ahaa todobaadadii ina dhaafay waxa ay Abooso iyaduba soo biyo doonatay oo halis ahi cuntay 7 qof oo isugu jiray dadkaas xoolaha soo qululiyay iyo dadkii dagaanka oo ay caruuri ku jirto. Ma jiro wax gurmad degdeg ah oo aan degmada ku hayno oo dhinaca caafimaadka ah. Ma jiraan dhaqaatiir dawaynta ku xeel dheer oo ku sugan degmada. Mana jiraan cisbitaalo ku haboon dawaynta oo degmada ku yaala. Waxa qasab noqotay in dadkaas oo dhan dhinaca Djibouti looloa cararo. Waana waji gabax iyo nasiibdaro ku habsatay Lughaya xaalada noocan oo kale ahi.
Maayar Dixood ayaa waxa uu qaylo dhaan u diray xukuumada waxana uu yidhi “Hayadaha Amniga waxa aan leenahay Degmada Lughaya waxa ay u baahan tahay Gaadiid u adeega ciidanka Amniga oo baahi wayn loo qabo, si amniga degmada loo sugo, sidoo kalena waxa aan Wasaarada Caafimaadka ka codsanaynaa in Ambalance degmada ugu deeqaan sidoo kalena dayactir ku samayeen rugaha iyo adeegyada caafimaad ee jira, waxaanann codsanaynaa in dalabkayagan si degdeg ah looga soo jawaabo mar hadii ay Amnigii iyo Caafimaadkiiba taabanayaan.
Maxamed jeex aw yoonis
gabileynewsonline.com
xafiiska brussels belgium