Jaamacada Hargeysa: Madaxweyne ku Xigeenka oo shahaadooyin gudoonsiiyey 75 Arday oo ka qalin jabiyey Master
Hargeysa(GNO)Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shahaadooyin Gudoonsiiyey 75 Arday oo Dhamaystay Master, kala Qalin Jabiyey Kuliyada Xidhiidh-ka Caalamiga ah oo ah Dufcadii ugu Horeysay ee Dhamaysata Master’s Degree.
Munaasibada Qalin Jabinta oo lagu qabtay Xarunta Jaamacada Hareysa ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Hogaanka Jaamacada Hargeysa, Wasiirro Asxaabta Qaranka iyo Marti Sharaf kale oo aad u Tiro Badan.
Ugu Horeyn Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr. Maxamuud Yuusuf ayaa Kalmada Furitaanka iyo Hambalyo uga diray Ardayda Qalin Jabisa “Waxaa sanadkan loo Aqoon saday 75 ka arday ee Hortiina taagan inay ka qalin Jabiyeen Master Degree Oo ah Xidhiidh ka Caalamiga ah iyo Diblomaasiyada, Dad ka noocaas ah ee imika lasoo saarayo waxaanu ugu talo galnay inay noqdaa dadkii Wadanka Kan Badali lahaa” ayuu yidhi Dr. Maxamuud Yuusuf.
Gudoomiyaha Oo Hadalkiisa Sii wata ayaa ka waramay Horumarka ay samaysay Jaamacada Hargeysi “Mudadaas kooban waxay Jaamacadu Si Rasmiya u heshay Database , markaa hada laga bilaabo sida Jaamacada Caalamka ayaa online Iska Diiwaan Galinaysaa Sida Jaamacada Caalamka oo waxa walba oo Jaamacada ka socda aad kala soconaysaa Online, Library Calami ahna Jaamacadu way dhisanaysaa” ayuu yidhi.
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland oo ka mid ahaa Ardayda Dhamaysatay Master-ka ayaa dhiniciisa Khudbad dheer ka Jeediyey isagoo ku hadalaya Afka Wasaarada Waxbarashada iyo ka Ardayda qalin Jabisayba waxaanu yidhi “Jaamacada Hargeysi waxay Fursan u Heshay inay Wax ka bartaan Dad waaweyn oo waayeel ahi oo ay ka mid yihiin Madaxda yadan Xilka Haysaa, taa macneheedu maaha inay wax barashada imiku ugu horeyso laakiin waa inay Da’yarta Tusaan inaan Laga weynaan Waxbarashada.” Ayuu yidhi.
Dhinaca kale waxa madashaasi ka hadlay masuuliyiin tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID EN. Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali iyo Masuuliyiin kale oo Tiro Badan oo ay ka mid tahay Marwo Dr. Adna Aadan.
Madaxweyne ku xigeen Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil SAYLICI ayaa Hambalyo u diray Dhamaan Ardayda Qalin Jabisay “marka Hore waxaan leeyahay HAMBALYO, Dhamaanteen Maanta Waxay inoo tahay Farxad in jaamacadii Hargeysa Qalin Jabintii 1aad ee Master-ka ahayd aynu maanta u dabaal dagayno waa farxad aad iyo aad u wayn, waa faraxad qaran, waa farxad Jaamacadu leedahay, waa farxad ay leedahay Ardayda Qalin Jabisay, uJeedada laga leeyahay Cilmiguna waxa weeyi in wax laga badalo Qarankan oo horumar la gaadhsiiyo, ardaydana waxaan leeyahay waa inay wax barashadu is badal inoo keentaa oo dhibaatooyin ka ina haystay ee ay qalbyalada inala hadhay ka mid tahay aynu wax badan ka badalno.” Ayuu yidhi Mud SAYLICI.
Gabo gabadii waxa halkaasi Shahaadooyin lagu Gudoon siiyey Ardayda ka qalin Jabisay Jaamacada Hargeysa ee Dhamaysatay Master-ka Xidhiidhka Caalamiga ah iyo diblo maasiyada.