Baaq ku wajahan shirka lagu dejinayay siyaasadda iyo qorshayaasha Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Somaliland oo la soo gabogabeeya Dallada SSE
December 21, 2015 - Written by admin
Taariikh: 19/12/2015
Tixraac: SSE/Fr 0022/15
Baaq ku wajahan shirka lagu dejinayay siyaasadda iyo qorshayaasha Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Somaliland oo la soo gabogabeeya
Dallada SSE waxay hambalyaynaysaa talaabadan taariikhiga ah ee Wasaarada Arrimha Dibeddu ay isugu yeedhay Danjirayaasha Somaliland u fadhiya dalalka dibedda. Shirka oo sida aan ka warqabno ku bilowdey jawi fiican isla markaana lagu soo gabogabeeyay guul iyo is-fahan la filayo inay guulo badani ka dhashaan. Waa markii u horreysay ee Wasiir Arrimo dibadeed Somaliland uu la yimaado isla markaana uu fuliyo fikir noocan oo kale ah. Si guud waxa aanu ugu mahadnaqaynaa dhammaan dadkii aqoontooda iyo khibradooda kaga qayb qaatay kulankaa ama shirkaa oo ay ku jireen Wasiiro hore. Si gaara ayaanu ugu mahadnaqaynaa Wasiirka Arrimaha Dibedda oo laf-dhabar u ahaa fulinta iyo socodsiinta shirka.
Soo dhoweyn:
Ugu horreyn Dalladu waxay dareen togan ku soo dhoweynaysaa isku duubnida, dulqaadka iyo hawl karnimada ay muujiyeen dhammaan dadkii ka qayb galey kulanka iyo kuwii aasaaska u ahaa qabsoomidiisa oo qaatey dhowr maalmood.
Sidoo kale Dallada SSE waxay si kal iyo laab ah u soo dhoweynaysaa dhammaan arrimihii iyo hawlihii lagu falanqeeyay madasha kulanka, kuwaasoo ajandaha ugu muhiimsan uu ahaa ka haddalka iyo ka doodida tubta iyo dariiqooyinka loo marayo himilooyinka ay Somaliland damacsantahay oo ay u horreyso sidii loo gaadhi lahaa aqoonsi buuxa oo ay Somaliland ka hesho beesha caalamka.
Dallada SSE waxay aad iyo aad u soo dhoweynaysaa dhammaan talooyinkii iyo goaamadii ka soo baxay shirkaa shanta maalmood qaatay,
Rajada iyo waxyaabaha la filayo:
Ididiilo iyo rajo weyn ayuu kulankani na galiyey, maadaama aqoonsiga Somaliland uu maanta u baahanyahay wada-shaqeyn ku salaysan iskaashi iyo xidhiidh aqoon iyo khibrad ku dhisan oo dhex mara Wasaarada Arrimaha dibedda, Danjirayaasheeda waddamada dibedda, Golyaasha Qaranka, Qurba Jooga iyo dhammaan hayaadka iyo shakhsiyaadka lagu tuhmayo inay ehel u yihiin gacan ka gaysashada arrinkan.
Kulanku waxa uu ahaa mid leh mudnaantiisa iyo muhimadiisa, waxaanu rajaynaynaa in dhammaan danjirayaasha Somaliland ee dalalka dibeddu ay ka faa’iideysteen wixii tabobar iyo macluumaad is-dhaafsi ahaa ee goobta la isku weydaarsadey.
Dalladu waxay fileysaa in kulankan uu ka soo bixi doono dhukumenti Hage ama Jiheeye u noqda sidii dardar cusub loo gelin lahaa hawlaha qadiyada aqoonsiga Somaliland isla markaana culeyska loo saari lahaa sidii loo kasban lahaa in adduunka ama caalamka aynu ku yeelano saaxiibo u ololeeya qadiyada Somaliland.
Gebogebo:
Walow beesha caalamku ay ilaa maanta ka dhego adeygeen inay tixgeliyaan xuquuqda dadka reer Somaliland ay u leeyhiin Qaranimada ay dib ula soo noqdeen tan iyo sannadkii 1991kii ayaa waxa aynu markhaati ka nahay sida ay shicibweynaha reer Somaliland ay uga go’antahay inay hadafkaa gaadhaan. Shirkan ama kulankan la soo gabogabeeyay wuxuu daliil u yahay sida shicib, Axsaabta Qaranka iyo Xukuumadaba ay uga go’antahay in himiladaa la gaadho goor ay noqotaba.
Ugu dambeyn Dallada SSE waxay baaqan uga faa’iideysanaysaa in wixii karaankeeda ah ay Dalladu ku dhaqaaqi doonto sidii haddafkaa ama himiladaa kama dambeysta ah loo gaadhi lahaa iyada oo la shaqeynaysa, Wasaarada Arrimaha Dibedda (Hay’ada Qurbo-Jooga), Danjirayaashaba iyo Saxibada daneynaaya qadiyada Somaliland.
Guul iyo Gobanimo ayaanu u rajaynaynaa Somaliland…..
Alle ayaa mahad leh,
Guddiga Dallada SSE