Case oo u muuqata looma ooyaan cid u hadasha aan lahayn !

 
Waa ayaan-darro beelo dhan oo Maxamed Case ah oo ku baahsan deegaanada ballaadhan ee u dhexeeya min G/Saylac ilaa Ceel-sheekh, ilaa waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex, iyo ilaa Gobolladada Galbeedka Somaliland ee Gabiley iyo Awdal, in xildhibaanadooda ku jira golayaasha qaranka, wasiiradooda ka tirsan Golaha xukuumada Somaliland iyo salaadiintooda dhaqanka intuba ay ka damqan waayaan, kana gaabsadaan in ay ka hadlaan arrimo khuseeya qadiyada bulshada ay matalaan.

Arrimahan khuseeya qadiyada bulshada Maxamed Case ee waxgaradka kor aan ku soo xusay ay ka damqan la’yihiin kana gaabsnayaan in ay ka hadlaan ilaa hadda waxa ka mid ah:

1. Arrinka xasaasiga ah ee ku saabsan jagada Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka G/Awdal oo la sheegay in dhawaan loo soo magcaabay cid aan hore u gelin imtixaankii bishii FEBRAAYO ee aan ka soo gudubnay laga qaaday dadkii loo xulayey in ay ka shaqayn doonaan howlaha komishanka doorashooyinka gobollada iyo degmooyinka dalka

2. xil-ka-qaadistii dhawaan isku mar qudha xilka laga wada qaday 2da sarkaal ee kala ah taliyihii hore ee qaybta Booliska G/Awdal, G/Dhexe Araweelo, iyo taliyihii hore ee Ciidanka Ilaalada Xeebabaha Galbeedka Somaliland, Dhamme Haaruun Siciid Cali oo fadhigiisu ahaa Saylac

3. dirawal ku magac dheer Dacawo oo ka tirsan wadayaasha baabuurta yar-yar ee Jabuuti rakaabka u gurta oo in ka badan 7 bilood ku xidhan magaalada Hargeysa

4. muranka ku saabsan khayraadka dabiiciga ah ee dadweynaha deegaanka buuraleyda SIIMOODI ay ka qatan yihiin, isla markaana shisheeyuhu ay guranayaan

5. deegaanada dhul-beereedka CAADDA iyo nawaaxigeeda oo in ka badan 25 sano laga haysto Beesha BAHABAR-MUUSE oo ka tirsan Beelaha MAXAMED CASE

6. GANACSADE Nuux Daahir Cammuud oo isna mudo 2 bilood ah ku xidhan xabsiga magaalada ADDIS ABABA ee Dalka ITOOBIYA ee jaarka aan nahay oo sidii loo xidhay aan laga war hayn in uu dhintay iyo in kale.

Waxaana intaas uga sii daran bulshada Maxamed Case iyagoo masuu’liyiintoodu ay samaysteen shabakad adag oo xidhan oo meel laga galo iyo meel laga dhaafo aan lahayn, si talada bulshada Maxamed Case ay u maroorsadaan, isla markaana ay iska fogeeyaan waxgaradka kale ee bulshada sida salaadiinta ardaayada, cuqaasha, iyo Aqoonyahanka.

Ku darsoo, waxa tallaabadaas tusaale ku filan loogu soo qaadan karaa, iyagoo mas’uuliyiintaasi xataa markay shirarka Boorama ku qabanayaan ay la dhuuntaan, lana tagaan goob durugsan oo ku taalla agagaarka Buuralayda Faaraxyood ee Waqooyiga Boorama, kadib markii albaabada ay u laabeen gurigii hore bulshada Maxamed Case ay ugu shiri-jireen oo ku yaalla badhtamaha Boorama.

Si kastaba ha ahaatee, shaki kuma jiro in tallaabooyinkaasi aan kor ku soo sheegay ay sabab u yihiin guuxa hoose ee qotada dheer ee baryahan dambe ka dhex-muuqda bulshada Maxamed Case.

Isku soo wada duuboo, buurta SAW nagu soo dumi-mayso wixii jira hadaan sheegnee, mas’uuliyiinta ixtiraamka iga mudan ee aan kor ku soo tibaaxay HAL baan leehay, waxgaradka kale ee bulshadana iyana Hal kale ayaan leehay.

Waxgaradka aan kor ku soo sheegay waxaan leehay hadii xidigo ay San yihiin waxaad tihiin siyaasiyiintii reeraha, hadii kalese ILMA HEBEL.

Waxgaradka kale ee bulshadana waxaan leehay “Rag Aamusay Iyo Riyo Aamusay Reerkooda Gabe Ayey Soomaali Hore U Tidhi.”

Pr.Adan Diiriye Dixood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here