|
|||
Gabileynewsonline.com
Cadaaladdu Kormeer ka Mug weyn by Maxamud yaasiin Cabdilaaji Cirro
December 15, 2015 - Written by adminWarbaahinta Somaliland ayaa maalintii axadii ina dhaaftey soo bandhigtey Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), oo kormeer ku maray Xarumaha Bahda Caddaaladda iyo Garsoorka, waxana ujeeddada Socdaalkan gaabani ahaa sidii uu ugu kuurgeli lahaa Hannaanka shaqo ee Waaxda Garsoorka Dalku heerka uu marayo. Haddaba Mudabe Madaxweyne, waa hubaal in waaxda Garsoorku tahey udub dhexaadka cadaalada, waaxaana hambalyo mudan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Md Aadan Xaaji Cali Axmed oo isagu ahaa masuulkii kormeerkan madaxweynaha kugu qanciyey, waxaanu ka mid yahey ubaxii ka dhashey burburkii Somaliland. Mudane Madaxweyne cadaaladu ka mug weyn kormeer, cadaaldu waa dareen Guud oo had iyo jeer u baahan in la ilaaliyo. Cadaaladu waa muwaadinka danyarta marka ilmihiisu jirado inuu helo caafimad tayo leh, waayo ninka ladan am wasiirka ah wuxuu fursad u heystaa in uu dibada ula cararo. Cadaaladu waa Muwaadinka danyarta oo ubadkiisa u hela waxbarasho tayo leh oo qiimo jaban. Cadaaladu waa ganacsadaha ka qeybgala qandaraas Dawladeed haddi cidkale ku guuleysato in uu ku qanco in si cadaalad ah loo bixiyey, calool xumo iyo dal naceybna ku dhicin. Cadaaladu waa Muwaadinka oo xoriyadiisa iyo hantidiisa aanu lagu xadgudbin waaran maxkamadeed la’aanteed. Cadaaladu waa in muwaadinka ay Madaxweyne isku heyb yihiin aanu dareemin in ummada inteeda ka xigsado wadanka, ugana lexejeclo badan yahey. Cadaaladu waa marka muwaadin dan u yeesho xafiis dawladeed u si dhib yar dantiisa u gaadho isaga oon wax laalush ah bixin, kuna dhintoon. Mudane Madaxeyne Cadaaladu waa marshruuc aan dhamaad laheyn oo ka mug weyn dib u habeyta iyo tayenta Waaxda Garsoorka. Maxamuud-Yaasin Cabdilaahi Ciro Brussels, Belgium.
COMMENTS
|
Latest News
|