Published:

Daawo-Madaxwaynaha Dalka Suuriya Bashar Al Azad Oo Goob Ka Baxsan Madaxtooyada Kaga Qayb Galay Xuska Mawliidka Nabiga (NNKHA)
Damascus, (Gabileynewsonline.com)- Madaxweynaha Suuriya Bashar Al Assad Oo colaado dabo dheeraaday, muddo afar sanadood ah ku socdaan, ayaa fagaare kaga qayb galay xuska Dhalashada Nabigeeni Suubanaa ee Maxamed (NNKHA), waxaanu isaga oo kalsooni badani ka muuqato uu tagay masaajid aad uga durugsan Madaxtooyada.

Bashar Al Assad ayaa xuska Mawliidka Nabiga ee sanadkan u doortay, Masaajidka Al Akram ee xaafada Miisa ee magaalada Dimishiq ku yaala, halkaas oo salaadii ka dib muxaadaro iyo duco dhamaantood xus ah lagu qabtay, sida muuqata Madaxweyne Assad ayaa taageerada Ruushku wax badan ku kordhisay awoodiisa maamul.

 

 

https://youtu.be/kZbHFx3-TEA

News Related